Shirka Istanbuul oo lagu casuumay Kooxda Khaatumo iyo Xukuumadda Somaliland oo la Jaan-qaadi kari la' Isbed-bedelka Siyaasada Somaliya ee ay isku soo faruurtay
Waxa laga wer-wersanyahay in Somaliland lagu shir-qoolo Shirka istanbuul oo la soo hor-fadhiisiiyo Cali Khaliif iyo kooxdiisa
Hargeysa(GNS) xubno ka socda Maleeshiyada Khaatumo ayaa la sheegay in lagu casuumay shirka Soomaalida loogu qabanayo Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga bisha June bilowgeeda ee Somaliland ka qayb gelayso.
Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Madaxda Kooxda Khaatumo oo ku saabsan ka qayb galkooda Shirka Turkiga, hase ahaatee warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in Dr. Cali Ciise Cabdi oo ah Gudoomiyaha gudida fulinta G10 ee Kooxda Khaatumo State lagu wado inuu dhowaan ka ambabaxo magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya ,una kicitimo dhanka Magaalada Istanbuul si uu shirkaas uga qaybgalo.
Dhanka kale waxa la sheegay in shakhsiyaad kale oo ka tirsan Kooxda Khaatumo ka tegayaan Muqdisho, kuwaasoo iyaguna ku sii jeeda Turkiga, waxaana ka mid ah Cabdikariim Xasan Jaamac oo xubin ka ah gudida G10.
Xukuumadda Somaliland oo ka mida dhinacyada lagu wada hadal siinayo Shirka Istanbuul ee la hadal hayo inay ka qayb gelayaan Kooxda Cali Khaliif iyo calin Ciise Cabdi ee sheegta in Maamul uga dhisanyahay Deegaamada Bariga Somaliland, ayaan la ogayn mawqifka ay iska taagi doonto hadii ay dhab noqoto Casuumadda loo fidiyay hogaamiyayaasha khaatumo, inkasta oo Dhawaan la sheegay inay Somaliland shirkaasi kaga qayb gelayso meeqaam dawladeed oo la mida kii London.
Somaliland ayaa hore u qaadacday tegitaanka shirkaasi, ka dib markii dawlada Sh. Shariif Guddida uga qayb gelaysa ku dartay laba xubnood oo ka socda Puntland, balse deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolada Somaliland ee Bariga, waxaanay taasi caqabad ku noqotay habsami u socodkii diyaar garawga shirka ee labada dhinaca ilaa markii dambe DKM sheegtay in wax laga bedelay qaabkii wada hadalada iyo meeqaamka madaxda uga qayb gelaysa labada dhinac oo la tibaaxay in lagu soo koobay Madaxweynayaasha TFG-da iyo Somaliland oo ay Weheliyaan laba wasiir oo ka kala tirsan labada xukuumadood.
Waxaana markaasi ka dib soo baxayay warar sheegayay in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo 20 Bishan May ee aynu ku jirno u safrayo Dalka Ingiriiska, halkaasoo uu kaga qayb galayay shirar loogu gogol xaadhayo Shirka Istanbuul oo ay dawlada Biritan marti- gelinayso, kaasoo sida cad aan ilaa hada qabsoomin, isla markaana madaxweynaha Somaliland tegin.
Dhinaca kale Somaliland ayaan ilaa hada meel cad iska taagin ka qayb galka Shirka Stanbuul iyo kulamada kale ee Kooxaha Somalida loogu qabanayo wadamada dibada, kuwaasoo dhamaantood daba socda Shirkii London, isla markaana ku taxaluqa ansixinta Dastuurka somaliya iyo Road-map-ka oo saamayn ku leh Gobolo ka mida dalkeeda.
Waxaana kulamadaasi ugu dambeeyay kii Maalintii Khamiista lagu soo gabagabeeyay Magaalada Addis ababa ee wadanka Itoobiya oo ay goob joog ka ahaayeen dhamaan dhinacyada Somalida ee kuwada jira qorshaha road-map-ka, kuwaasoo ka garnaqsanayay qodoba ku jira dastuurka oo aan qaarkood u cuntamin iyo arimo kale oo ay ugu weyntahay dardar gelinta qorsheyaasha looga gudbayo wakhtiga ku meel-gaadhka ah ee Somaliya ku jirto.
Si kastaba ha ahaatee Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo tan iyo markii ay ka qayb gashay Shirkii London ee horaantii sanadkan la jaan-qaadi kari la' is-bed-bedelka Siyaasada Somaliya ee ay isku soo faruurtay ayaa laga wer-wersanyahay inay ceel ku rido gooni-isu taaga wadanka, isla markaana lagu shir-qoolo shirka Istanbuul ee aanay wali ajandihiisa iyo dadka lala hadashiinayo toona.
Saleebaan C. Cali
Gabiley News Reporter
No comments:
Post a Comment