Shilkan oo ka dhashay gaadhi oo noocoodu ahaa Toyota Landcruesar oo ka yimid dhinaca Jabuuti kuna soo socday Magaalada Hargaysa
Hargeysa(GNS)-Hal qof ayaa ku dhintay todoba kalena way ku dhaawacmeen inta la ogyahay Shil-gaadhi oo saaka aroornimadii ka dhacay deegaanka Labo dheged-ka oo ka tirsan degmada Lughaya ee Gobolka Awdal.
Shilkan oo ka dhashay gaadhi oo noocoodu ahaa Toyota Landcruesar oo ka yimid dhinaca Jabuuti kuna soo socday Magaalada Hargaysa oo isku dhacay xilli ay marayeen dhulka ciidda badan ee laba dhegedka waxa ku dhintay Marxuum Jirde Maxamed Khaliif ,halka ay sidoo kalena ku dhaawacmeen todoba ruux afar rag tahay iyo sadexna dumar.
dadka dhaawaca ah ayaa la geeyey Cisbitaalka ugu dhow ee magaalada Lughaya waxaana darawaliintii labadaasi gaadhi oo kala ah Mahdi Indhogeelle iyo Nin magaciisa lagu soo gaabiyey Iskaanyo lagu hayaa saldhig ay boolisku ku leeyihiin magaalada Lughaya.
waxana kiiskan sida uu u dhacay iyo waxa sababay baadhitaankiisa gacanta ku haya hay’adaha nabad-gelyada wadooyinka sida ay ku soo waramayaan wariyayaasha ku sugan degmada Lughaya iyo Gobolka Awdal.
Magacyada dadka ku dhaaawac may Shilkaasi ayaa kala ah:-
• Malyuun Maxamuud Bakaal iyo Hooyadeed Xaliimo Ibraahin Xasan.
• Sahal Rooble cawleed
• Amarre Rooble Cawleed
• Mawliid kayd xasan
• Faadumo Cilmi Idiris iyo
• faadumo Aadan jaamac
Abokor Xasan Caafi
GNS
Hargeysa
Somaliland
No comments:
Post a Comment