Hargeysa,( Ramaas )- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud ( Aadan Siiro) oo ka mid ah culimada dalka, ayaa maanta si kulul u naqdiyay kooxo uu sheegay in ay wadaan ficilo lidi ku ah Qaranimada Somaliland, xilli toddobaad ka dib loo dabaalgayo xuska maalinta gooni isu taaga dalka ee 18 May.
Isaga oo khudbadiisa Jimacaha ka jeedinayay Maasjidka Quba ee uu Khadiibka ka yahay, waxa uu si dadban farta ugu fiiqay qaar ka mida culimada wadanka oo ku eedeeyay in ay olole ugu jiraan midnimada Soomaaliya oo Somaliland ka goosatay 21 sanno ka hor, waxaana uu kooxahaas ugu baaqay in aanay qaadin tallaabooyin mijaxaabin kara xasiloonida dalka.
Waxa uu sheegay in Somaliland ay la mid tahay wadamada dunida Islaamka ee u qaybsamay Jamhuuriyadaha tirada badan, isla markaana ay tahay maslaxada ay gaadheen shacabka dalka oo ka talinayay aayahooda.
“ Wadamada Muslimiinta waa 57 wadan in la mideeyaa waa ta aynu socono 57-kaa dawladood, Carabi waa 23 dawladood , ninka qadiyada Somaliland diidan dad Muslim ah oo walaalo ah oo heshiiyay oo ku heshiiyay aynu wax samaysano ninka diidaya Kitaabkuu haysto mid yar ha noqda ama mid weyn ha noqdee anaga ha noo keen hore ayaanu u nidhi maantana waanu leenahay dood baanu diyaar uga nahay anagaa qancinayna . Qawmiyada Soomaaliyeed anagu odhan mayno Somaliland waa muqadas oo waa Kitaab, ka noola yimaado Soomaaliya waa Kitaab waa oo muqadasna waxa aanu leenahay waar ka daa” ayu yidhi Sheekh Aadan Siirro
Ramaas
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment