Nabadoon C/casiis Maxamuud Afguduud oo mar ahaa afhayeenka nabadoonada gobolka bari ayaa magangalyo waydiistay Somalilnd
Nabadoonka oo la weydiiyey sababta ku kaliftay inuu magangalyo waydiisto Somaliland ayaa waxa uu hadalkiisa ku soo koobay in inta maamulka hadda jira ee Madaxweyne Faroole uu ka talinayo Puntland aanu tageynin ...
Mid ka mid ah nabadoonada ugu caansan gobolka Bari ayaa u goostay dhinaca Somaliland, isla markaasna ka helay magangalyo siyaasadeed ka dib markii uu weydiistay sidaana waxa uu nadoonku uu u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha deegaanada Puntland .
Nabadoon C/casiis Maxamuud Afguduud oo mar ahaa afhayeenka nabadoonada gobolka bari ayaa dhawaanahan laga waayey fagaareyaasha iyo kulamada nabadoonada isagoo caan ku ahaa inuu ka hadlo arrimaha nabadda magaalada Boosaaso oo saldhig u aheyd isaga
Nabadoon Afgaduud oo hadda ku jooga magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa u sheegay warbaahinta inaanu arrimo siyaasadeed iyo xil u aadin degaanada Somaliland, balse uu u tagay deganaansho isla markaana si wanaagsan u qaabileen mas’uuliyinta Somaliland isagoo mahadcelin gaar ah u jeediyay wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade.
Nabadoonka oo la weydiiyey sababta ku kaliftay inuu magangalyo waydiisto Somaliland ayaa waxa uu hadalkiisa ku soo koobay in inta maamulka hadda jira ee Madaxweyne Faroole uu ka talinayo Puntland aanu tageynin deegaanada Puntland, marka uu maamulkaasi meesha ka baxana uu dib ugu laaban doono sida uu yidhi.
Si kasta oo ay ahaataba nabadoon Afguduud ayaa muddo laga joogo hal bil ku sugnaa magaalada Boosaaso, waxaana uu ka mid ahaa Salaadiintii sida aadka uga hadashay deeqdii waxbarashada Turkiga ee lagu eedeyay Wasaaradda Waxbarashada Puntland inay musukhmaasuqday.
No comments:
Post a Comment