12 May, 2012

Maamul Goboleedka Puntland Oo La Sheegay Inay Xabsiga U Taxaabeen Afhayeenka Kooxda Khaatumo Seeg Iyo Madaxdhaqmeed Muqdisho Ku Sii Jeeday


Maamul Goboleedka Puntland Oo La Sheegay Inay Xabsiga U Taxaabeen Afhayeenka Kooxda Khaatumo Seeg Iyo Madaxdhaqmeed Muqdisho Ku Sii Jeeday

Gaalkacayo, May 10, 2012 (W.Wararka) –  Maamul goboleedka Puntland ayaa shalay la sheegay inay xabsiga dhigeen Afhayeenka Maamul ku sheega Khaatumo seeg ee dhawaan lagaga dhawaaqay degmada Taleex ee gobolka Sool ee Somaliland Cumar Jaamac Saleebaan.
Afhayeenka Khaatumo Mr. Cumar Jaamac  ayaa waxa sidoo kale lala xidhay 7 qof oo kale, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Madax-dhaqameed iyo odayaal kale oo doonayey inay ka dhoofaan Madaarka Diyaaradaha ee Magaaladda Gaalkacayo ee maamul goboleedka Puntland, si ay u tagaan Magaaladda Muqdisho ee uu ka socdo shirka lagu ansixinayo Distuurka Qabyo qoraalka ee Soomaaliya.
Afhayeenka Khaatumo Seeg iyo Xubnahaas kale ee Odayaasha ah ee la socday ayaa ciidamada ilaalada Madaarka diyaaradaha ee Gaalkacayo qabteen markii ay dhoofayeen si ay u tagaan Magaaladda Xamar.
Sidoo kale Odayaasha lala xidhay Afhayeenka Khaatumo seeg oo tiradooda lagu sheegay 7 xubnood ayaa waxa ka mid ah Caaqil Maxamuud Jaamac Askar oo ka mid ah Madax-dhaqameedka gobolka Sool ee taabacsan maamul ku sheegaas.
In kasta oo aan ilaa hadda la ogeyn sababta dhabta ah ee xadhiga 8-deedan xubnood, balse talaabada Maamul goboleedka Puntland ku xidhay ayaa muujinaysa sida ay uga soo horjeedaan maamul ku sheegan Khaatumo ee dhibaatada amaan daro ka abuuray deegaanada gobolka Sool iyo Buuhoodle ee Somaliland.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: