Lix ka mid ah Ciidamada Qaranka Somaliland oo ku dhaawacmay Gaadhi Ciidamadu leeyihiin oo la dhacay xili ay Gurmad ugu jiree
Askarta Dhaawacantay ayaa la sheegay in afar ka mid ah ay dhaawacyadoodu culusyihiin, waxaana caawa fiidkii la dhigay Cisbitaalka guud ee Degmada Qorulugud,
n Shaqaqo Maleeshiyaad hubaysan ku dhex martay Maygaagle
Qorulugud(GNS)-Wararka ka imanaya deegaanka Maygaagle ee ay Ciidamada Qaranka Somaliland ee Jiidaha Buuhoodle fadhiga ku ku leeyihiin ayaa sheegaya in lix Akari oo ka tirsan Ciidanka qaranku ay Maanta ku dhawaacmeen Shil-gaadhi, ka dib markii uu la gadoomay Baabuur ay Ciidamadu leeyihiin oo ka mid ahaa Kolanyo Gawaadhida gaashaaman ah oo Gurmad ugu baxay iska-horimaad dhex maray laba maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda Buuhoodle iyo deegaamada Qorulugud.
Askarta Dhaawacantay ayaa la sheegay in afar ka mid ah ay dhaawacyadoodu culusyihiin, waxaana caawa fiidkii la dhigay Cisbitaalka guud ee Degmada Qorulugud, ka dib markii loo soo gudbin kari waayay dhinaca magaalada Burco, isla markaana ay roobab mahiigaan ah oo jiidaasi ka da’ay xidheen isku socodkii Gaadiidka ee dhulkaasi, taasoo sababtay in dhaawaca askarta meel la soo mariyo la wayo.
Iska hor-imaadka dhex maray labada Maleeshiyo oo ka dhacay meel wax yar u jirta Fadhiisimada Ciidanka oo uu shir uga socday Odayaal Bariga Burco ka soo jeeda iyo kuwo dhinaca buuhoodle ah oo ka wada hadlayay sidii loo joojin lahaa geelal bilihii ugu dambeeyay ay dadka deegamadaasi kala dhacayeen oo xaalad nabad-gelyo daro abuuri gaadhay, ayaa ka dambeeyay ka dib markii koox hubaysan oo dhinaca Buuhoodle ka timi rasaas ku fureen goobtii uu shirku ka socday, ka dibna Geel-jirayaal hubaysan oo ka ag-dhawaa halkaasi isku dayeen inay difaacaan Odayaasha.
Ma jiro War Rasmi ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Qaranka iyo dhinacyadii Iska hor-imaadku dhex maray oo la xidhiidha dhacdadaasi, hase yeeshee wararka laga helayo degmada Qorulugud, ayaa xaqiijiyay inaanay wax khasaare ahi soo kala gaadhin labada Maleeshiyo ee Ciidanka shilku ku dhacay kala dhex galeen.
Warku waxa uu intaasi ku darayaa in lagu kala kacay waan-wantii nabadeed ee Odayaasha labada dhinac halkaasi uga socotay, ka hor intii aanu shilkani dhicin ka dib markii maleeshiyada dhinaca Buuhoodle weerar ku soo qaaday madashii shirku ka socday, talaabadaasoo dadka deegaanku ay fasileen mid ay Kooxda Khaatumo ku fashilinayso dedaalka nabadeed ee ay beelaha halkaasi wada degaa ugu jiraan sidii ay Baadka iyo Biyaha u wadaagi lahaayeen.
Wariyayaal ku sugan Gobolka Togdheer ayaa sheegay in Weerarkaasi saamayn ku yeeshay waan-waantii socotay, taasoo la doonayay in lagu soo afjaro Tuugo Xoolaha nool ah oo beryahan dambe ka soo cusboonaatay halkaasi, ka dib markii ay labada dhinac bilihii la soo dhaafay dhawr jeer Geelal kala dhaceen.
No comments:
Post a Comment