26 May, 2012

Gudoomiyaha ururka RAYS oo si weyn u dhaliilay olole ay wadaan wasiiro xukumada Siilaanyo ka tirsan

Gudoomiyaha ururka RAYS oo si weyn u dhaliilay olole ay wadaan wasiiro xukumada Siilaanyo ka tirsan



Hargysa,-Gudoomiyaha urur siyaasadeedka RAYS Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi) ayaa uga digay wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee xilalka ka haya xukumada Siilaanyo inay ka waantoobaan u ololeynta ururada iyo xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira intay hayaan xilal qaran,adeegsana awood iyo hanti qaran.

Gudoomiyaha ururka RAYS Xasan Gaafadhi oo beryahanba ku sugnaa magaalada Burco ayaa maruu ka hadlayey munaasibad ama xaflad halkaas lagu qabtay wuxuu carabka ku dhuftay mid ka mid ah ballanqaadyadii xukumada Siilaanyo ololaha ku gashay oo aan ilaa hadda cidi u dhaqaaqin wuxuuna yidhi "xukumada Siilaanyo waxay balanqaadey barnaamijkii ay ku ololeysayna ku jiray inay hirgelinayso dhismaha wadada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo balse aan ilaa hadda xaggeeda loo dhaqaaqin.

Gudoomiye Xasan wuxuu sheegay in xukumadii Siilaanyo ee laga filaayey ama laga sugaayey inay fuliso balanqaadka wadadaa isku xidha Burco iyo Ceerigaabo beryahanba yaboohineysay qaadhaan laga ururinaayo ama laga rabo dadweynaha reer Burco si loogu dayactiro madaarka Burco taasina waxay meesha ka saareysaa balanqaadkaii wadada.

Isku soo wada duuboo Gudoomiye Xasan wuxuu saluugay kana cawday olole ay ka wadeen magaalada Burco iyo barigeedaba qaar ka mid ah wasiirada xukumada Siilaanyo hawgu sii daraado wasiirka duulista Maxamuud Xaashi Cabdi oo dhawaan maruu ku soo fashilmay oogidii ama diyaarinta dabaaldegii munaasibada xuskii 18 may ee gobolka Sool,Burco gudaheeda iyo barigeedaba ka bilaabay olole iyo shirar doceedyo uu beeshiisa la yeeshay kulana dardaarmey inay musharixiintooda degaanka ka soo sharaxaan xisbigii Kulmiye Balse ururka RAYS ayna waqti yo tacab iskagelin.




No comments: