22 May, 2012

Darewalkii gaadhiga badhsaabka Ceerigaabo oo lagu dilay NASIYE

Darewalkii gaadhiga badhsaabka Ceerigaabo oo lagu dilay NASIYE

Waxaa shalay galab weerar gaadmo ah lagu dilay dareewalkii gaadhi nooca xamuulka qaada oo isaga goosha magaalada Burco ilaa GORGOR iyo Buuhoodle,soo noqodkiisana soo mari jiray isla dariiqaas muddo dheerna halkaas ka shaqeyn jiray.Gaadhigan dareewalkiisii la dilay ayuu mulkiyadiisa leeyahay badhasabaabka ceerigaabo Aadan Diiriye Cigaal (Geeljire) wadana uu ka ahaa nin caan ah Cabdiraxmaan Sool Xiirey oo ka soo jeeda beesha Dhulbahante/reer Hagar,ku darsoo laba nin oo rakaaba oo saarnaa gaadhiga oo isla beesha Dhulbahante/reer Hagar ahaana nolol ahaan ayaa lagu kaxaystey ilaa haddana lama oga raq iyo ruux meelay ku sugan yihiin.

Darawelka gaadhiga badhasaabka Ceerigaabo ayaa markii la dilay ka yimi xagga tuulada GORGOR una sii jeeday Burco,waxaana lagu dilay meesha la yidhaahdo CAGAARAN oo u dhow tuulaada NASIYE oo Burco ka xigta dhanka Hawd bari,sida ilo xogogaal ahi noo xaqiijiyeen waxaa darawalka gaadhiga C/Raxmaan Sool Xiirey dilay 13 (sadex iyo toban) dablay hubaysan oo watey laba gaadhi oo SURF-YO ah kuwaas oo oo laga soo abaabulay magaalada xagga Burco muddo gaabana ku sugaayey gaadhiga tuulada NASIYE iyagoo isticmaalaya isgaadhsiin casri ah lana socday dhaqdhaqaaqa gaadhiga badhasaabka Burco kolba halkuu maraayo.

Isku soo wada duuboo sababta loo dilay dirawelka gaadhiga badhasaabka Ceerigaabo Geeljire C/Raxmaan Sool Xiirey,loona afduubay labada nin ee rakaabka ahaa fogeyn aargoosi iyo aano qabiil

Waxaaney wararku intaas ku darayaan in dablay ka soo jeeda beesha mulkiilaha gaadhiga amaba badhasaabka Ceerigaabo ku baxeen goobta iyo degaanka darewalkii gaadhiga lagu dilay,halkaas oo gaadhigii yaalo islamarkaana labada reer ood wadaag ka yihiin ilaa haddana lama sheegin wax war ah oo ka soo kordhay

wixii warar ka soo kordha dhacdadan halkan kala soco

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: