12 May, 2012

Berbera: Maxkamada Saaxil Oo Diiday Dhageysiga Dacwad Caqliyada Ka Fog Oo Guddoomiye Ramaax Doonayey

Berbera: Maxkamada Saaxil Oo Diiday Dhageysiga Dacwad Caqliyada Ka Fog Oo Guddoomiye Ramaax Doonayey

Berbera,(Ramaas )-Maxkamada Gobolka Saaxil ee Magaaladda Berbera ayaa layaab ka muujisay kiiska loo haysto Wariye Maxamed Cabdilaahi Faarax (Soo Fadhiiste) oo badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) uu Khamiistii todobaadkii hore la xidhay.

Maxkamada ayaa diiday inay furto Dacwada loo haysto Wariyahan taasi oo ah inuu wax ka duubay Xidhibaan ka tirsan golaha deegaanka degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, kaasi oo badhasaabka Saaxil ku eedeeyay inuu baloodho u qaybiyey Madaarkii diyaaradaha ee degmadaasi.

Wariyaha ayaa maanta markii maxkamada la geeyay isla-markaana Guddoomiyaha maxkamada loo gudbiyay dacwada Wariyaha loo haysto layaab ka muujiyey dacwadaasi oo ah mid caqliyada qofka khalad ku ah, waxaana la sheegay in guddoomiyaha maxkamadu diiday inuu kiiskaasi furo una sheegay in dib loo celiyo, isaga oo guddoomiyuhu su'aal ka keenay sababta suxufigan loo haysto isaga oo uu joogo qofkii uu wax ka duubay.

Wariyaha ayaa la sheegay in markii maxkamadu kiiskiisa ku qanci wayday dib loogu xidhay saldhiga dhexe ee booliska Magaaladda Berbera, isaga oo ku xidhan amar uu bixiyay badhasaabka gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo si shakhsi ah u haysta Wariyahan oo ka tirsan Telefiishanka Somali-Chanel iyo Wargeyska Caalami.

Diidmada Maxkamada gobolka Saaxil ee furida dacwadan ayaa muujinaysa inaanu jirin wax dambi ah oo Wariyaha lagu haystaa, balse badhasaabku uu ku amar ku taaglaynayo Wariyaha iyo guud ahaanba saxaafada ka hawl-gasha gobolka Saaxil, kuwaasi oo dhibaato ku qabba Badhasaabka oo aan ogolayn inay si waafi ah hawlahooda u gutaan oo ay wax ka duubaan cid kasta oo sheegaysa wax badhasaabka lid ku ah.

Dhanka kale, ururka saxaafada Somaliland ee SOLJA oo suxufiyiinta dalka u xil-saaran furdaaminta waxyaabaha la soo darsa sida xadhigooda ayaan ilaa hadda wax talaabo ah oo ay ku doonayaan inay Wariyahan ku soo daayaan qaadin, isaga oo xidhan maalintii saddexaad.

Ramaas


No comments: