26 April, 2012

Shirgudoonka Baarlamaanka S/land Oo Safar Hawleed Ku Tagay Namibiya Iyo Kulamo Ay La Leeyihiin Dhigo


Shirgudoonka Baarlamaanka S/land Oo Safar Hawleed Ku Tagay Namibiya Iyo Kulamo Ay La Leeyihiin Dhigo   


Shirgudoonka Baarlamaanka S/land Oo Safar Hawleed Ku Tagay Namibiya Iyo Kulamo Ay La Leeyihiin Dhigooda Iyo Madaxda Dalkaasi

Hargeysa,(haatuf)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilad Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro) oo uu Weheliyo Gudoomiye ku xigeenkiisa 2aad ee Golahaasi Mudane Cali Yuusuf Axmed oo socdaal shaqo ku tagay dalka Nabiibiya ayaa kulamo kala duwan yeeshay qaar ka mid ah Madaxda sar sare ee dalkaasi.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyo ku xigeenkiisa oo marti qaad rasmi ah ka helay dhigooda Baarlamanka dalka Namibia, ayaa kulamo ay wada yeesheen Afhayeenka Baarlamanka Wadankaasi, Wasiirka Arrimaha Dibada iyo hogaanka Axsaabta siyaasada ee dalkaasi ka jira.

Weftiga Gudoomiyaha Wakiilada C/raxmaan Cirro waxay Madaxda dalkaasi ee ay la kulmeen ka wada hadleen Xidhiidh iskaashi oo dhex mara labada Baarlamaan iyo labada dal, waxaana lagu wadaa inay maanta ka qayb galaan Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu iyo ku xigeenkiisa labaad kulan uu Madaxweynaha dalka Namibia uu khudbad kaga hor jeedin doono labada gole ee sharci dejinta ee wadankiisa.

Wararka la xidhiidha waftiga Somaliland ee Namibiya socdaalka ku jooga ayaa shegaya in Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi (Cirro) muddada ay Wadankaasi joogaan inay kulan la yeelan doonaan Ra'iisal Wasaaraha dalkaasi.

Waftiga Gudoomiye C/raxmaan Cirro ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay dalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee dalka Namibiya ayaa ka mid ah wadamada qaarada Africa ee dhaca koonfur Afrika, kaas oo noqonaya socdaalkii ugu horeeyey oo gudoonka Baarlamaanka Somaliland ay safar shaqo ku tagaan dalkaasi, isla markaana kulamo la yeeshaan masuuliyiinta sare ee dalkaasi, ayaa soo kordhinaysa xidhiidhka Somaliland la yeelanayso wadamada dunida, gaar ahaan dalalka Afrika

Haatuf



No comments: