Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo u Magacabay Taliyaha Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan .
31/03/2012
War-saxaafadeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XERM/249-1017/032012, ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, xarafka (d) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Ciidanka Booliisku u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadda Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cabdilaahi Fadal Iimaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
No comments:
Post a Comment