01 March, 2012

Wasiirka Ganacisga Iyo Warshaddaha Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Qandaraas Ku Bixinayaan Haamaha Shiidaalka Berbera

Wasiirka Ganacisga Iyo Warshaddaha Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Qandaraas Ku Bixinayaan Haamaha Shiidaalka Berbera
Guddigaasi waxay muddo waddeen qiimayn iyo tallo-bixin ay ku soo tallo-bixinayaan, ..."Wasiir Cabdirisaaq Khaliif Axmed

Hargeysa (GNS)- Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in xukuumada somaliland ay qandaraas ku bixin doonto maamulka haamaha shiidaalka Berbera. 

Wasiirku waxa uu sidaas ku sheegay mar uu caawa fiidkii u waramayay Talefishanka HCTV, waxana hadaladiisii ka mid ahaa “22 May 2011-ka waxa soo baxday wareegto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), haamihii shidaalka uu ku hoos keenay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha iyo dalxiiska oo laga wareejinay oo lagu baabiinayey heshiisii hore ee u dhexeeyey dawladda iyo shirkadii Total, sababuhuna ay ahayeen sababo halkooda ka yimi oo wax xumaan iyo wax dhaliila oo aynu ku lahayn aanay jirin. 

Isla xilligaa madaxweynuhu wuxuu magacaabay guddi ka kooban afar hay’adood oo dawlada ah oo ay wasaaradda ganacsigu ay madax u tahay oo ka kooban wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Dalxiiska iyo Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda qandaraasyadda Qaranka.” 

“Guddigaasi waxay muddo waddeen qiimayn iyo tallo-bixin ay ku soo tallo-bixinayaan, xaaladda jirta darteed sidii wax looga qaban lahaa. Iyadda oo arrinta laga duulayo waxa uu madaxweynuhu helay tallo-bixin ay u soo jeediyeen guddiga dajinaysay miisaniyadda dalka oo iyadana siyaasadii guud ee ay ka lahayeen dhinicii dhaqaalaha oo ahayd meelihii ay ka tallo-bixinayeen,”ayuu yidhi Wasiir Cabdirisaaq Khaliif Axmed,waxana uu intaas ku daray “Tallo-bixin ay soo jeediyeen waxa lagu soo saaray siyaasaddii guud ee dawladda ee dhaqaalaha ee sannadkan in haamihii shidaalka ee Berbera in dawladdu maamul ahaan wixii laga qabanayo ay ku wareejiso hay’ad madax-banaan ama ha noqoto mid wadaniya ama ha noqoto mid ajinabiya oo la galayo qandaraas lagu bixiyo arrinta iyada ah.” 

“Anaga arrintaasi ka wasaaradd ahaan iyo guddi ahaanba way naga soo dhammaatay qiimaynteedii tallo-bixineedii iyo arrintii qandaraasku intiiba way naga soo dhamaatay oo waxaanu rejaynaynaa si loo gaadho March haddii ILAAHAY idmo bisha inagu soo fooda leh oo beri bilaabmaysaa in hawsha iyada ahi ay bilaabi doonto, ayna suuro-gal tahay oo tartan baa la qabanayaa oo waxa looga baahan yahay heshiiska cidii buuxisa oo haddii ay noqdaan shirkadaheena maxaliga ah oo ciddii ku filan oo hawshan awoodeeda iska leh ay ku filaato oo ay noqoto cidda iyadu xaqa u yeelata,” 

Gabiley news desk 
contactgabiley@yahoo.com 


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: