16 March, 2012

War Deg Deg Ah: Dadweyne Mudaharaadsan oo kala Gooyey Jidka Isku xidha Idaacada iyo Suuqa Dhexe + Ciidamada Booliska oo Xoog ku kala kaxeeyey

War Deg Deg Ah: Dadweyne Mudaharaadsan oo kala Gooyey Jidka Isku xidha Idaacada iyo Suuqa Dhexe + Ciidamada Booliska oo Xoog ku kala kaxeeyey

Hargeysa/ToggaHerer 16 March 2012
Dadweynihii Maalintii Arabacdii laga Raray Guriga Xisbiga ayaa Mudaharaad Cabasho ah ka dhigay Wadada Isku Xidha Idaacada iyo Suuqa Dhexe .

Dadweynahan Danyarta ahaa oo ay Dawlada Hoose Maalintii Arbacadii ka Burburisya Sanadaqadihii ay Daganaayeen ayaa Dhagaxaan ku jaray Wadada sidoo Kalena Taayiro ku Gubay Jidka.

Ciidamada Booliska ayaa Xoog u isticmaalay Dadkana si ay u kala Dareeriyan iyaga oo rasaas Badan kor ugu ridaayay Taas oo markii danbe Keentay in Ciidamadu kala kaxeeyaan Dadkii Mudaharaadayay sidoo kalena Waxay Bakhtiiyeen Taayiradii lagu gubay Wadada.

Ilaa iyo hadda lama xaqijin wax dhaawac ah oo ka oo gaadhay Dadkii rasaasta ay ridayeen Ciidamadu marka laga Reebo Dhagxaan Dhaawacyo gaadhsiisay Askarta Qaarkood.

Warqabadka ToggaHerer
Hargeysa
Somaliland

No comments: