31 March, 2012

Wafti ka socda safaarda Ingriiska ee Addis ABABA Oo Booqday Xabsiga Weyn ee magaalada Hargysa

Wafti ka socda safaarda Ingriiska ee Addis ABABA Oo Booqday Xabsiga Weyn ee magaalada Hargysa

Hargysa,- Waxa shala jeelka weyn ee magaalada Hargysa booqday wafti ka socda safaarada Ingriisku uu ku leeyahay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya, socdaalka waftigani ayaan laga war haynin sababta rasmiga ah ee ka danbysa socdaalkooda, hase ahaatee waxa ay wararku sheegayaan in ay ka mid yihiin u kuur galida xaalada xabsigaasi oo dhawaan la keenay maxaabiis budhacd badeed ah.

Sidoo kale waftigaasi oo uu hogaaminaayay sarkaal lagu sheegay Matt Woodf, ayaa booqday oo ay wararku sheegayaan in uu la kulmay La-taliyihii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cismaan Siciid Jaama oo isagu deganaan jiray magaalada London, isla markaasina haysta dhalashada dalka Ingriiska, mr Cismaan Siciid Jaamac ayaa dhawaan lagu eedeeyay in uu galay musuq maasuq la xidhiidha raashin la lunsaday oo ay dawlada Cumaan ku soo caawisay dadka tabaalaysan ee reer Somaliland.

Arintaasi eedaynta ah oo aan ilaa hada loo haynin cadaymo rasmi ah oo lagu hor keeno maxkmad taasi oo sababtay in si sharci daro ah ay xabsiga ugu jiraan isga iyo laba masuul oo kale, oo uu ka mid yahay badhisaabkii gobolka Maroodi jeex.

Maalmaha fooda inagu soo haya ayaa booliska Somaliland oo uu hogaaminaayo taliye ku xigeenka boolisku ay balan qaadeen in maxkamad ragaasi lagu hor keeni doono, hase ahaatee raashinkani oo loo qab qabtay dad aan ahayn dadkii in mudo ah guranaayay ee suuqyada Somaliland ka iibinaayay. ayaa waxa lagu wadaa marka maxkamada la keeno lagu waayi doonaa danbiga loo maleegay ee lagu haysto sadexda msuul ee wanjalaada u xidhan.




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: