25 March, 2012

“Salaadiinta Beesha Bariga Burco Oo sida fiinta Uga Qaylyay Xadhiga Boqor Buur Madaw Shaaciyayna In Si Shuruud La,aana Loo sii Daayo Muddo 72saacadood Gudahood


“Salaadiinta Beesha Bariga Burco Oo sida fiinta Uga Qaylyay Xadhiga Boqor Buur Madaw Shaaciyayna In Si Shuruud La,aana Loo sii Daayo Muddo 72saacadood Gudahood

Salaadiintan iyo waxgaradkan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hotel Crown ee Magaaladda Hargeysa

Hargeysa (GNS)– Qaar ka mid ah odayaasha, waxgaradka iyo Cuqaasha beesha uu ka soo jeeda boqor Cismaan (Buur-madow) oo dhawaan xukuumadda uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay xabsiga dhigtay Boqor Buur madow ka dib markuu kasoo laabtay Magaaladda Dubai ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta iyaga oo dhawaana Madaxwaynaha ugu baaqee inuu si shuruud la’aan ah u soo daayo. 

Waxgaradkani waxay sheegeen in boqor Buur-madow boqor ay iyagu caleemo saarteen cid kalena aanay dooran, sidaa daraadeedna ay ka dalbanayaan in Madaxwaynuhu si dhakhso ah u soo daayo muddo 72-saac gudahooda, iyagga oo ku hanjabay in dhibaatada dhacda aanay masuul ka ahayn haddii aan la soo deyn ee uu dusha ku qaadan doono Madaxwayne Axmed Siilaanyo. 

Salaadiintan iyo waxgaradkan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hotel Crown ee Magaaladda Hargeysa Dhinaca kale waxay Tilmaameen in Madaxwayne Axmed Siilaanyo yahay Madaxwaynihii Somaliland soo mara ee ugu cadaalada daraa, iyagga oo tilmaamay inuu ujeedo la’aan ku xidhay boqor Cismaan Buur-madow iyo masuuliyiin kale oo ay xuseen in tuhun lagu deg-degay jeelka loogu guray. 

Jiif Caaqil Cawl Cawil Cabdalla oo sheegay inuu yahay odeyga ugu da’da weyn Somaliland oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa Madaxwaynaha ugu baaqay inuu xoriyadiisa u soo celiyo booqr Buur-madow, isaga oo Madaxwaynaha u soo jeediyay inuu xasuusto hadal uu sheegay inuu ku yidhi Shirkii Gar-adag “Anigu Somaliland ayaan ugu da’a waynahay, adiguna Somaliland Madaxwayne ayaad u tahay ee soo daa boqor Cismaan” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Xasuuso Madaxwayne maalintii Gar-adag hadalkii aan idhi ILAAHAY wuu kuu aqbalaye boqor Cismaan soo daa” 

Jiif Caaqil Cawl waxa uu tilmaamay in muranka iyo buuqa raga dhex maraa nabadgalyada aanu u fiicnayn “Haddii raggu buuqo nabadgalyadu way xumaataa ee soo daa boqor Cismaan (Boqor buur-madow)”ayuu yidhi. 

Maxamed Jaamac oo ka mid ah dadka halkaasi ka hadlay ayaa isaguna yidhi “Codsi maaha, waxaanu fareynaa Madaxwaynaha inuu 72 saacadood ku soo daayo boqorka, haddii kale dhibaatada halkaa ka dhacda Madaxwaynaha ayaa masuul ka ah” 

Maxamed Jaamac waxa kale oo uu tiilmaamay “Boqorku waa Madax-dhaqameed, anaga ayaa dooranay oo ku caano shubnay maaha in la iska xidho”ayuu yidhi isaga oo intaa ku daray “Madaxwaynahani wuxuu noqday kii ugu cadaalad xumaa ee dalka soo mara” 

Garaad Saleebaan Daahir (Akala) oo isna halkaa ka hadlaya ayaa sheegay in Madaxwaynaha iyo boqor Cismaan Buur-madow yihiin laba qof oo Ilmaadeer ah, loona baahan yahay in Madaxwaynuhu iska dhaafo eeda uu ka tirsaday “Madaxwaynaha iyo boqor Buur-madow waa Ilmaadeer, markaa Madaxwayne ka kaaftoon eeda aad tirsatay oo soo daa’ boqorka”ayuu yidhi. 

Shirka jaraa’id ee ay qabteen odayaashan iyo waxgaradka beesha uu ka soo jeedo boqor Cismaan Aw Muxumed Buur-madow ayaa waxa kale oo ka hadlay shakhsiyaad badan oo uu ka mid yahay Cabdi Ismaaciil Cali.gabi ahaanba waxay ka midaysnayeen in digniin ay udirayeen madaxweynaha sida ugu dhakhsaha badan lehna loogu soo celiyo xoriyaddiisa 

C/raxmaan Muuuse Yuusuf 
Gabiley News Reporter 
Hargeysa/ Somaliland

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: