16 March, 2012

Rayaale Iyo Iyo Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Xalinta Khilaafkii UDUB Ka Yeeshay Kulan Jilbaha La Isku Aastay, Kuna Guulaystay Inay Gacmaha Isku Saaraan Xubnihii Hanka Siyaasadeed Kala Irdheeyay.

Rayaale Iyo Iyo Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Xalinta Khilaafkii UDUB Ka Yeeshay Kulan Jilbaha La Isku Aastay, Kuna Guulaystay Inay Gacmaha Isku Saaraan Xubnihii Hanka Siyaasadeed Kala Irdheeyay.
“Guddoomiyaha Udub Iyo Ku Xigeenkiisa Oo La Filayo Inay Todobaadka Dambe Go’aan Rasmi Ah Ka Soo Saaraan Khilaafka Xisbiga.”

Hargeysa (GNS)- Garabyadii Xisbiga UDUB u kala jabay ayaa markii ugu horaysay laysasoo horfadhiisiiyay si meesha looga saaro khilaafkii adkaa ee xisbigaasi kala qaybiyay, kaasoo salka ku hayay dhawr arrimood oo ay ugu muhiimsantahay xulashada musharixiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenka xisbigaasi ee shanta sanadood ee soo socota. 

Kulan Saacado badan socday oo maalintii arbacada ee Todobaadkan ka dhacay Guriga Madaxweyne ku-xigeenkii hore ahna guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa laysu keenay dhamaan Masuuliyiintii Xisbigaasi ee khilaafka ba’ani ka dhexeeyay, gaar ahaana Garabyadii ay kala hogaaminayeen Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Cali Waran-cadde, kuwaasoo la sheegay inay kulankaasi isku gacan qaadeen, isla markaana wixii Xurguf kala gaadhay iska saamaxay. 
Kulanka oo uu soo qaban qaabiyay Madaxweynihii hore ee Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin ayaa sidoo kale waxa ka soo qayb galay xubnihii dhawaan dalka ku soo noqday ee Xukuumadii Rayaale Wasiirada ka ahaa, sida Wasiirkii hore ee Maaliyada Xuseen cali Ducaale (Cawil) iyo Cali Sanyare, kuwaasoo iyagu aan si cad uga dhex muuqan dhinacyadii Loolanka siyaasadeed ka dhexeeyay mudooyinkan dambe, hase yeeshee tan iyo markii ay dalka ku soo laabteen la sheegay inay ladqabo ka dhex wadeen labada garab. 
Ku simaha Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB C/xaliim Maxamed Muuse oo xalay Wargeyska Caalami Khadka Taleefoonka kula xidhiidhay si aanu wax uga waydiino waxyaabihii layskula soo qaaday kulankaasi dhex maray garabyadii UDUB ayaa sheegay in arrimaha ugu muhiimsan ee lagu lafo-guray ay ka mid ahaayeen in dhinacyadii is-khilaafsanaa lagu heshiisiiyo, iyadoo dhinaca kalena markii shirku si rasmi ah u furmay ee ay heshiiyeen labadii dhinac laga dooday sidii xisbigu uga jawaabi lahaa kaalintii uu ku lahaa arrimaha dalka, una soo noolayn lahaa mucaaridadii ay ku toosin lahaayeen Xukuumadda. 

C/xaliim Maxamed Muuse waxa uu sheegay in kulankoodani ka dambeeyay shirar is-daba joog ah oo ay maalmihii ugu dambeeyay wada yeesheen Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Xisbigaasi, kuwaasoo sida uu tibaaxay Xoghayuhu ka wada hadlayay sidii loo xalin lahaa khilaafkii Xisbiga baabiin gaadhay, waxaanu intaasi raaciyay in todobaadka soo socda la filayo inay labada Masuul go’aamo ka soo saaraan khilaafkaasi. 

“kolay kulanku wuxuu ahaa mid saacado badan socday oo ay ka soo qayb galeen dhamaan masuuliyiintii ugu saraysay ee xisbiga intii dalka joogtay, waxaanu ku bilaamay isasaamaxaad iyo in laga heshiiyo wixii qadaf ah ee dhex maray labada dhinac, waana lays gacan qaaday, ka dibna waxa la gudo galay doodo kale oo ku saabsan sidii xisbigu uga qayb qaadan lahaa arrimaha dalka ka taagan, markaa adigu wuxuu ahaa kulankii ugu horeeyay ee laysugu yimaado, waxaanu ku dhamaaday guul iyadoo dhamaan dhinacyadii is hayay isu calool xadhaanyihiin”ayuu yidhi. 

Waxaanu intaasi ku daray “waxaana la filayaa in todobaadkan labada gudoomiye go’aamo ka soo saaraan arimihii khilaafku ka taagnaa” ayuu yidhi, 
Xisbiga udub ayaa ah bilihii ugu danbeeyay mid ay ka dhex aloosnayeen khilaaf culus oo kala kexeeyay gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi iyo cali maxame warancade oo kamida musharixiinta isku soo taagay jagada madaxweynaha xisbigaasi dhexdiisa 
Kadib markii axmed yusuf yaasiin iyo garab uu hogaaminayaa si muran kujiro ay udoorten Jamaal cali xuseen inuu noqdo madaxweynaha mustaqbalka kasoo xisbiga udub,waxaanu khilaafkoodu sababay in gudoomiyaha xisbigaasi daahir riyaale kaahin si khasab ah dalka ugu soo laabto ka dib markuu ka ladi waayay murankii iyo is qabqabsigii garyada is hayay ka dhexeeyay.
Published: 2012-03-16
Source: Wargeyska Caalami

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: