Gobolada Saaxil iyo Togdheer oo qaarkood-na loo qaybiyay, qaar-na Suuqa lagu arkay
Burco(Waaheen) Wararka naga soo gaadhaya Goboladda Saaxil iyo Togdheer ayaa sheegaya in dhacii Raashinkii mucaawinada ahaa ku faafay isla markaana Raashino ka mid ah kuwii loo waday dadka masaakiinta ah la Leexsaday, inkasta oo meelaha qaarkood-na la gaadhsiiyay.Sida uu ku soo waramayo Wariyahayaga Gobolka Togdheer waxa la arkay dhawr gaadhi oo ka mid aha Deeqdaasi oo markii la qabtay lagu sheegay hadana in Badhan loo wado oo ay nin aan la garanayn Xilkiisu waxa uu yahay ay u dhiibeen Badhasaabka Gobolkaas iyo Maayarkuba.
Sidoo kalena Raashin Mucaawino ah oo loo waday degmooyinka Xagal iyo Bulaxaar ayaa la sheegay muddo dhawr cisho ah in uu ku xaniban yahay Xaafadda Jaamalayaale hanuunin ku taala taasoo uu noo cadeeyay Taliyaha Booliiska oo sheegay in ay ka soo dhex galeen hawlihii Berbera ka taagnaa in la gaadhsiiyo meelihii loogu talogalay balse Badhasaabku balanqaaday inuu u rarayo Deegaamadii loogu talogalay, halka ay Caasha Hinda oo ah Marwada Samafalka Madaxtooyadda u qaabilsan Mucaawinooyinku ay sheegtay Raashinkaas inaanay waxba ka ogayn.
Sidoo kale Masuul ka tirsan Hay’ad Wadani ah oo la yidhaahdo Savo oo reer Berbera u qaybisay qayb ka mid ah Deeqdaasi ayaa Waaheen u sheegay Raashinkaasi inuu u yaalo xaafadaasi gaadiid la’aan isla markaana uu Badhasaabka Gobolka Saaxil ku maqan yahay Gaadiid qaada, isagoo sheegay Raashinkaasi in loo wado labada Degmo ee Xagal iyo Bulaxaar.
Maayarka degmadda Xagal oo ku sugan magaaladda Berbera oo aanu weydiinay inay jirto Deeq Raashin ah oo looga qoondeeyay mucaawinada Berbera taala ayaa yidhi “ Berbraan ku suganahay, Badhasaabkana waanu is aragnayoo manta(Shalay), ayaan u sheegayay dhibaatada Deegaanka ka jirtay oo ay ugu darnayd xanuun Jadeeco ah oo afar qof dillay, dad badanina la il-daran yihiin. Haddii uu wax no ohayo maantaanu ugu baahi badanahay saw iimuu sheegeen” ayuu yidhi Maayarku
Dhinaca kalena Maamulka Gobolka iyo ka Degmada Burco ayaa shalay laba Gaadhi oo Mucaawimo ah ku warejiyay Nin la yidhaahdo C/sitaar si uu u Geeyo Magaalada Badhan ka dib markii ay dadweynaha Reer Burco ay is hor tubeen bakhaar uu yaalay Raashin mucaawino ah oo la sheegay in la Lunsaday kaasoo yaalay xaafadd ku taala magaalada Burco
Xildhibaan C/risaaq Maxamed Toor oo ka mid ah Golaha Degaanka Burco oo ka hadlay arrintan ayaa cadeeyay in ay khalad ahayd in hadii raashinka Badhan laga leeyahay Goobtan oo kale lagu rogo waxaanu yidhi ”raashinku hadii uu Badhan u socday oo uu taraansit ahaa waxay ahayd in ama qaybta la geeyo ama degaanka la geeyo ama Bakhaar Suuqa ah la dhigo inta Gaadiidkiisa iyo hawshiisa loo diyaar garaynaayo laakiin in xaafada dhexdeeda oo aan dadka badan kiisu waxba qaadan lagu rogo waa dhaliil cidii maamulkaa gashay saaran, Mida kale waxaanu cadaynaynaa in in raashinkaasi raashinkii badhaneed yahay oo ay reer Badhaneed joogaan.” Ayuu yidhi xildhibaanku
waxaa isaguna halkaas ka hadlay Badhasaabka Gobolka Cabdoo Aayir oo ku adkaysanaya in raashinkaa lagu wado badhan oo uu qaadayo nin Goobta joogay oo reer Burco ah laakiin kasoo jeeda degaan ahaan Degaanka Badhan waxaanu yidhi “ waxaan doonayaa inaan dadwaynaha reer Burco u cadeeyo in raashinka iminka halkan laga rarayo uu yahay qaybtii badhaneed oo halkan loogu dajiyay si ku meel gaadh ah waxaanu ku warejinaynaa inanka halkan jooga oo degaankaas kasoo jeeda Gobolka Badhan oo halkan Burco ku dhashay isagaana gaynaya sidaas reer Burco ha ku qancaan” ayuu yidhi Maayarku
Badhasaabka oo la waydiiyay xilka ninkan shicibka ah loogu dhiibayo iyo waxa uu maamulka dawlada ee sanaag ama dawladuba ay u gaadhsiin wayday, waxa uu sheegay in madaxtooyada laga soo wakiishay Badhasaabka oo la waydiiyay raashinka la rarayo tiradiisu inta ay tahay ayaa yidhi “Tiro ahaan laba gaadhi oo waawayn baa markii horeba loo raray, iminkana laba gaadhi oo 24 tan ah ayaa la qaadayaa waa raashin badan anigu ma aqaan inta ay 24 tan tahay hadii aanan xisaab isku dhufan” ayuu yidhi
Sidoo kale waxaa iyaguna halkaas ka hadlay qaar ka mida dadwaynihii goobtaas ku sugnaa Siciid (Dabayare) oo ka mid ah Qurba jooga xaafadaas raashinka laga soo saaray ee laga rarayay degan isla markaana la socday dhaqdhaqaaqa Mucaawimadan kana mid ahaa dadwaynaha goobtaas ku sugnaa ayaa isagoo saxaafada la hadlaya waxa uu yidhi “waxaan halkan ku cadaynayaa oo aan umada Somaliland gudo iyo dibadba Burco waxa yimi raashin mucaawimo ah oo ay niman cumaaniyiin ahi soo bixiyeen waxaana loogu talo galay Sadex Gobol Gobolka Maroodi jeex Gobolka Togdheer iyo Gobolka Saaxil, Raashinkii Burco soo galay waxaa uu noqday badh la boobay oo dadkii waday ay faraha ku dhigeen iyo badhkaa aanu hor taaganahay oo la leeyahay waxaa loo rarayaa gobolka badhan, hadana waxaa halkan iminka raashinkii ka raranaya ragii kuwii hore leexsaday iyo maamulkii Gobolka waxaan leeyahay madaxwaynaha siddii tallaabada hargaysa looga qaaday Burco halooga qaado” ayuu yidhi waxaanu intaa raaciyay “Raashinkaas hada la rarayo ee la leeyahay badhan ayaa leh waxaan cadaynayaa inay ku qornaayeen waraaqaha la socday in laga leeyahay Burco.” Ayuu yidhi
Short URL: http://waaheen.com/?p=32008
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment