28 March, 2012

Madaxweyne Siilaanyo oo Rayaale iyo Cawil kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyadda


Madaxweyne Siilaanyo oo Rayaale iyo Cawil kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyadda

Hargeysa(Waaheen) Madaxweyne Siilaanyo ayaa manta Qasriga Madaxtooyadda kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Wasiirkiisii Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil).
Kulanka ay wada yeesheen labada dhinac ilaa hada xog dhab ah lagama hayo ujeedadiisa iyo sababta xiligan kaliftay hase yeeshee waxa ay sheegayaan wararka naga soo gaadhayaa inuu ahaa uun mid ay odayaashu isku salaamayeen.
Inkasta oo ay jiraan dareeno siyaasadeed oo ka oogan gudaha iyo dibeda dalka oo loo aanayn karo inay odayaashu wax iska weydiinayeen hadana waxay u b adan tahay inuu ahaa mid qorshaysnaa oo ka timid dhinaca Madaxweyne Siilaanyo.
Daahir Rayaale Kaahin iyo Cawil ayaa dhawaan dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay in muddo ah dalka dibadiisa wareegayeen markii lagaga adkaaday Doorashadii Madaxtinimada taasoo ku keentay waji gabax iyo inay indhaha ka qarsadaan bulshada iyo Eedihii Kulmiye u soo jeedin jiray.
Short URL: http://waaheen.com/?p=3304

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: