13 March, 2012

Guddoomiyaha Maamul Wanaaga iyo Ka hor taga Musuqmaasuqa oo sheegay in ay Baadhayaan Musuqmaasuqa ka dhashay....

Guddoomiyaha Maamul Wanaaga iyo Ka hor taga Musuqmaasuqa oo sheegay in ay Baadhayaan Musuqmaasuqa ka dhashay Raashinkii Dadka Danyarta ah loogu talo galay.
“Baadhitaanka wuu noo socdaa waxaananu jecel nahay in........."Axmed Muxumed Madar

Hargeysa (GNS)- Guddoomiyaha Maamul Wanaaga iyo ka hor taga Musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar ayaa sheegay in ay wadaan baadhitaan ku wadaan cida ka dambaysay Musuqmaasuqa la sheegay in uu ka dhashay Raashinkii loogu talo galay dadka danyarta ah. 
Guddoomiyaha Maamul Wanaaga iyo ka hor taga Musuqmaasuqa oo khadka Taleefanka ugu warameyey Shabakada Gabiley News ayaa sheegay in aanay ka hor dhacayn baadhitaankaasi ay wadaan, balse marka uu baadhitaanku u dhamaado ay sheecin doonaan natiijada uga soo baxday Baadhitaankooda. 

Guddoomiyaha oo ka hadlaya arintaasina waxa uu yidhi “Musuqmaasuqaasi la sheegay in uu ka dhacay raashinkii loogu talo galay dadka danyarta baadhitaan ayaanu ku wadnaa, waxaananu baadhaynaa ilaa iyo halka ay arintani ka soo bilbaantay”. 

Axmed Muxumed Madar oo ka hadlayey xiliga ay filayaan in ay baadhitaanka soo gabo gabeeyaan ayaa waxa uu yidhi “Baadhitaanka wuu noo socdaa waxaananu jecel nahay in sida ugu dhakhsaha badan baadhitaankaasi u dhameystirno oo aanu natiijadiisa shaacino”. 
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Cid kasta oo arintani la xidhiidho waanu baadhaynaa, markaa kama hor dhacayno natiijada”. 

Si kastaba ha ahaatee arinta la xidhiidha eedaha Musuqmaasuq ee ka dhashay Raashinka mucaawimada ah ayaa galaaftay Masuuliyiin badan oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland. 

Sacad Muse Cabdi 
Gabiley News Writer 
Hargeysa/ Somaliland
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: