27 March, 2012

Ciidanka Xeebaha Somaliland oo Gacanta ku dhigay Afartameeyo Si Qarsoodi ah uga Tahriibayay Xeebaha Galbeedka

Ciidanka Xeebaha Somaliland oo Gacanta ku dhigay Afartameeyo Si Qarsoodi ah uga Tahriibayay Xeebaha Galbeedka+Wadamada ay u kala Dhasheen iyo Taliyaha Ciidamadda Badda oo ka hadlay

Hargeysa(Togaherer)-Ciidammadda Difaaca iyo ilaaladda xeebaha Somaliland, ee ku sugan xeebaha galbeedka ee dalka ayaa shalay galab gacanta ku dhigay 38 ruux oo isugu jiray 6 Soomaali ah iyo 30 Itoobiyaana oo tahriibayaal ah iyo 2 nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo iyagu ahaa gadhwadeenada dadkan tahriibinayay, kuwaasi oo ka dhoofayay xeebta Buula Cado ee gobolka Salal.

Taliyaha ciidamada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan, oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay shaaca ka qaaday in ciidanka xeebuhu ay dadkan tahriibayay iyo kuwii tahriibinayayba ay gacanta ku dhigeen markhribnimadii xalay iyaga oo doonay in ay sifo sharci darro ah uga tahriibaan xeebaha Buulla Cado ee gobolka Salal.

Taliyaha ciidanka xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan waxa uu sheegay in tahriibiyaasha la qabtay iyo wakiiladii tahriibinayayba ay haddana gacanta ku hayaan isla markaana maanta loo soo qaaday dhinaca Magaalada Boorama si loogu soo gudbiyo Caasimada Hargeysa, waxa uu Taliyuhu xusay in kooxdan tahriibayaasha ah shirciga la horgayn doono si loo mariyo ayuu yidhi ciqaabta ay mutaystaan.

Taliyuhu waxa kala oo uu sheegay in ciidamada xeebaha Somaliland ay heegan iyo feejignaan dheeraad ah ugu jiraan sugida ammaanka xeebaha Somaliland, isla markaana aanay sinaba suura gal u ahayn in sifo sharci darro ah dad looga dhoofiyo xeebaha dalka Somaliland.

waxaanu taliyuhu digniin culus u diray cid kasta oo isku dayda in ay qaab sharci darro ah uga tahriibaan ama ay cid uga tahriibiyaan dalka Jamhuuriyada Somaliland waxaanu intaasi ku daray in cidii arrintaasi lagu helo ay la kulmi doonaan ciqaab adag, isla markaana la horkeeni doono sharciga.

Warqabadka Togaherer

Hargeya, Somaliland

Togaherer@gmail.comhttp://samotalis.blogspot.com/

No comments: