15 March, 2012

Boqor Buur Madaw Oo Xabsiga La Dhigay Ka Dib Markii Uu Maanta Ka Soo Degay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Hargeysa.


Boqor Buur Madaw Oo Xabsiga La Dhigay Ka Dib Markii Uu Maanta Ka Soo Degay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Hargeysa.

Boqor Buurmadaw oo wakhtiyo badan isku dayey in uu................

Hargeysa (GNS) Boqor Buur Madaw oo ka mid ah Boqorada Somaliland ayaa Xukuumadda Somaliland maanta xabsiga u taxaabtay ka dib markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa. 

Boqor Buur madaw ayaa wakhti dheer dibadaha wareegayey Xukuumaddanu amartay in la qabto marka uu dalka ka soo dego, waxaana markii uu maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa qabtay Askar ka tirsan Ciidanka Somaliland, isla markaana u gudbiyey Xarunta Dambi baadhista ee CID-da. 

Boqor Buurmadaw oo wakhtiyo badan isku dayey in uu Dalka yimaado balse aanay u suurto gelin ka dib markii Xukuumaddu amartay in marka uu dalka ku soo laabto la qabto, waxaanu Wakhti bilo gaadhaya ku xidhnaa Magaalada Dubai ee Caasimada isu taga Imaaraadka Carabta, isaga oo lagu eedeeyey falal lagu xidhiidhinayey xidhiidhkii uu la lahaa Madaxweynihii Xukunka laga tuuray ee Dalka Libya Mucamaral Qadaafi, waxaana markii dambe laga sii daayey Xabsiga, iyada oo marar hore ka laabtay Jabuuti isaga oo ku soo socda Magaalada Hargeysa, balse maanta ayaa mar kaliya markii uu Garoonka ka soo degay inta la qabtay xabsiga loo taxaabay. 

Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa haatan ka hadal Xadhiga Boqor Buurmadaw iyo waxyaabaha lagu eedaynayo ee keenay xadhigiisa. 

Sacad M. Cabdi 
Gabiley News Writer 
Hargeysa/ Somaliland 
Contactgabiley@yahoo.com

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: