23 maxbuus oo guure lagu keenay Gaashaamo laguna wareejiyey suldaan guud ee Beelaha H/Yoonis
Hargysa,(Gaashaamo)-23 Maxbuus oo ka mid ah xoolo dhaqato ciidamada kililka shanaad ee Liyuu booliisku ka qafaasheen degaamada la xidhiidha Gaashaamo sida Raqda,Cadaada,Dhoobogaduud iyo Galkagoncdo Libaax ayaa xalay ciidamada federaalka Itoobiya guure ku keeneen magaalada Gaashamo ee kililka shanaad kuna wareejiyeen Suldaanka Guud ee beelaha Habaryoonis Suldaan Maxamed Xirsi Qani ,xoolo dhaqatadaas oo loo soo celiyey xoriyadoodii.
Qadiyada sii deynta dadkan xoolo dhaqatada ah ee ciidamada Liyuu booliisku qafaasheen,ehelkoodiina xasuuqeen iyagan geysteen degaanka Danood ayaa soo deyntoodu ka timi heshiish dhawaan dhexmaray madaxweynaha kililka shanaad Cabdu Cumar Iley iyo oday dhaqameedyo uu horkacaayey Suldaanka Guud ee beelaha Habaryoonis Suldaan Maxamed Xirsi Qani oo dhawaan gaadhey magaalada Jigjiga si uu qadiyadan sii deynta dadkan la qafaashey iyo xasuuqa ka dhacay degaanka Gaashamo wadahadalo ugala yeesho maamulka kililka shanaad oo gacan weyn ku lahaa mashruuca xa asuuqa Gaashaamo oo lagu xasuuqey xoolo dhaqato tiradooda lagu qiyaasey 32 qof iyo weliba tiro kale oo maqan.
Sidoo kale waxay wararka soo gaadhaya shebekada qarannews intaas ku darayaan in maamulka kililka shanaad sii daayey gaadiid ay lahaayeen dadka ku nool degaanka Gaashaamo oo ay qafaasheen ciidamada Liyuu booliiska ee ka amar qaata Mr.ILEY.
Ciidamada Liyuu-booliiska ayaa arooryo hore weerar aargoosi iyo gaadmo ah ku soo qaadey xoolo dhaqatada iyo reer guuraaga ku dhaqan degaanka Gaashaamo halkaas oo ay ku dileen tiro dada kuna qafaasheen 28 qof oo ilaa hadda la yahay 3 qof oo ka mid ah oo la aaminsan yahay in Liyuuu booliisku laayeen kuna tuureen kaymaha dhexdooda kuwaas oo aan ilaa hadda raq iyo ruux toona meelay jiraan la helin balse la xaqiijinaayo in Liyuu booliiska kililka shanaad qafaasheen.
Dhinaca kale waxaa la filayaa inay berito ka furmaan magaalada Gaashaamo wadahadalo dhexmari doona Madax-dhaqameedyada beeshii dadkii ay xasuuqeen ciidamada Liyuu booliiska iyo xukumada kililka shanaad,sidoo kale waxaa la filayaa inuu halkaas yimaado madaxweynaha kililka shanaad Mr.ILEY oo saameyn weyn ku lahaa xasuuqa iyo shaqaadada ka dhacday Gaashamo.

No comments:
Post a Comment