29 February, 2012

War Deg Deg ah: Ciidamada Booliska oo Saaka Rasaas Ku Toosiyay Dadwaynaha ku Dhaw Suuqa Waaheen oo ay Dad shicib ahi ku Ganacsan jireen.


War Deg Deg ah: Ciidamada Booliska oo Saaka Rasaas Ku Toosiyay Dadwaynaha ku Dhaw Suuqa Waaheen oo ay Dad shicib ahi ku Ganacsan jireen.

Rasaasta ayaa saaka bilaabantay lixdii subaxnimo iyada oo Boolisku isku dayeen inay Xooga ku Baabiiyay Barandayaasha...... Daawo Sawiradda

Hargeisa (GNS)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa Saaka Hiirtii ku Waabariistay Goobo Ganacsi oo ku dhawaa Jidadka Waawayn ee Magaalada Hargeisa, Ciidamada oo Isticmaalayay Rasaas Xoogan ayaa saaka ooda kaga Qaaday Dadwaynihii Halkaasi ku soo xoomay. 
IMG_1455 
Rasaasta ayaa saaka bilaabantay lixdii subaxnimo iyada oo Boolisku isku dayeen inay Xooga ku Baabiiyaan Barandayaasha iyo Tukaamada yaryar ee Goodhida loo yaqaan, kuwaasi oo gabi ahaanba ciidanku Cagta mariyay isla markaana Jajabkii Alaabta lagu guray Baabuurta Dawlada hoose ee Hargeisa. 
IMG_1454 
intii uu hawlgalkani socdday waxa ay indhahaygu qabanayeen iyadda oo ay dawladda hoose ay duduminayaysay DUkaanadda yaryar kuwaas oo ay dhexyaalaan dhamaan qalabkii uu qofka lihi ku ganacsan jiray haday ahaan lahayd alaabtii uu iibin jirey ama qalabka kalle ee uu ku ganacsaddo. 
IMG_1453 
dadka meheradaha laga dumiyay oo aanu wax ka weydiinay hawlgalkan ayaa noo sheegay in wax laga xumaaddo ay tahay arintani, waxana ay ku sababeeyeen in aan la siin wax amar ah ama digniin ah, waxana ay intaas ku sii dareen in ay saaka ku waabiariisteen Ciidamadda Amaanka oo ku hubaysan qorayahoodda kala duwan iyo gaadiidka Booliska isla markaana kaa shanaya Dawladda Hoose ee Hargeysa, waxana ay intaasi raaciyeen in ay ka war heleen Meheraddoodii oo la duminayo, 
IMG_1452 
" Dawladda Hoose ee Hargeysa waxxa ay Dumisay meheraddaydii iyo meheraddo kalle oo ku yaalay Suuqa Waaheen runtiina waxa ay noola dhaqan tay si aad u fool xun alaabtii dhex taalay waa lagu dumiyay, waxana wanaagsanayd in ay na siiyaan amar iyo jaanis aanu kaga guurno, markaanu isnidhi ka hadlana CIidanka ayaa noogu jawaabay Rasaas, arintani maaha wax la eegan karo xitaa Siyaad barre tan oo kalle ma samayn jirin" sidaas waxa yidhi Aadan Siciid Muxumed oo ka mid ahaa dadkii Saaka laga dumiyay Meheradahoodda. 
IMG_1450 
Booliska ayaa si Arxan darro ah saaka uga baabiiyay Meherado yaryar oo Dad Masaakiin ahi quutal daruuriga kala soo baxaan, kuwaasi oo lagu Weeraray Rasaas aan loo Aabo yeelin. 
IMG_1451 
Maaha markii ugu horaysay ee Ciidamo boolis ah oo Dawlada hoose dirtay ay burburiyaan Meherado yaryar oo ku dhaw jidadka Magaalada balse waxaa saaka dhagaha dadwaynaha qabsaday Rasaas xoogan oo loo isticmaalay dadka shicibka ah ee halkaasi ka ganacsada kuwaasi oo aan qaadi Karin burburka ka soo gaadhay awoodaa boolisku u isticmaalay. 
IMG_1449 
Dhanka kalle waxa ay dad weynaha Magaaladda Hargeysa ayaa is weydiinaya sababta uu Duqa Caasimadda Hargeysa Xuseen Maxamuud Jiciir uu udimin la yahay bisagau Gurigiisa madaamadd uu dayrka horre ee gurigiisu uu ku yaallo meel waddo ah. 
IMG_1448 
Dawlada Hoose ee Hargeisa ayaa Badanaa Awooda Saarta Dadka Ganacsatada Masaakiinta ah ee Nolol maalmeedkooda la daalaa dhacaya halka aan waxba la Waydiin Ganacsada waawayn ee xidhay Jidadka Magaalada Hargeisa intooda badan. 
IMG_1447 
Wali waxa si toos ah u socdda hawl galkii ay wadday dawladda hoose ee Hargeysa siddaas awgeed la soco wixii ka soo kordha. 
IMG_1446 
IMG_1444 
IMG_1443 
IMG_1456 
Gabiley News Desk 
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: