24-kii Xubnood ee joogay lixbaa helay Fiisayaasha, laba way sugayaan inta kale way soo noqonayaan
Addis-ababa(Waaheen)-Raxan Siyaasiyiin xilal ka haya Xukuumadda, Xildhibaano iyo Ganacsato isugu jira oo todobaadkii hore Safaarada Ingiriiska e dalka Itoobiya u doontay Fiisaha dal ku-galka ee dalka Ingiriiska si ay uga qayb galaan Shirka 23 bishan ka furmaya Magaalada London ayaa qaarkood loo ogolaaday Fiisayaashii, qaarna maanta ay la balantay Safaaradu, halka kuwo kalena loo diiday Fiisayaashaasi.
Xubnaha weftigaasi jooga Itoobiya ay Safaarada Ingiriiska ee addis-ababa u ogolaatay Fiisayaasha , waxa ka mid ah Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin,Wasiir Axmed Cabdi Xaabsade, Xildhibaan Cali Aareeye, Xildhibaan C/kariin Xaaji Cabdi Waraabe, Af-hayeenka Madaxtooyada C/lahi Daahir Cakuse, iyo Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe, kuwaasoo wali ku sugan magaalada addis ababa.
Halka ay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Xildhibaan Mahdi Gees oo ka mid ah weftigasi ay maanta la balantay safaaradu, lana filayo in la siiyo.
Dhinaca kale Xubnaha aan helin Fiisayaasha ee la filayo inay dib u soo noqdaan waxa ka mid ah Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Guurtida Md. Siciid Jaamac , Maxamed Baarjeex, afhayeenka UDUB Cali Guray, Wasiirkaa Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi awdaahir, xildhibaan Siciid C/lahi Yasir, Xildhibaan Obsiiye, Xildhibaan Dhugad iyo Agaasimaha Baratakoolka madaxtooyadu Maxamed Ilkacase.
Geesta kale waxa shalay dalka dib ugu soo laabtay wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Wasiirka Cadaalada xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ahaa weftiga ku sugan dalka Itoobiya ee Fiisayaasha doontay, kuwaasoo ka dib markii ay soo waayeen Fiisiha Dalka Ingiriiska.
Si kastaba ha ahaatee lama oga wakhtiga ay baxayaan xubnaha helay Fiisayaasha iyo guud ahaan weftiga ka daba tegaya Madaxweynaha ee ka qayb gelaya Shirka Ingiriiska.
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment