Wasiirka Maaliyadda oo soo saaray Wareegto uu ku fasaxayo kharashaadka Dawladda qaybo ka mid ah inta Miisaaniyadda la soo samaynayo
"Si aanay hawl socodsiintu u istaagin waxa la idiin sheegayaa in Miisaaniyaddii 2011-ka ee sanadkii tagay aad kaga dhaqantaan 1/12 bishiiba ilaa waqtiga la soo Ansixinayo" Wasiirka Maaliyadda
Hargeysa- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi ayaa soo saaray Digreeto uu kula socodsiinayo Hay'adaha Dawladda inay sii isticmaali karaan qaybo ka mid ah kharashaadka Hawl socodsiinta inta laga soo Ansixinayo Miisaaniyada 2012 ka oo uu sheegay inay wali diyaarinteedii socoto.
Wasiir Maxamed Xaashi Digreetadiisa waxa uu ku dhaqan galiyay Hay'adahaasi inay sii isticmaali karaan Miisaaniyadii sanadkii hore ee 2011 ka 1/12 bishiiba kharashaadka hoos ku qoran ilaa inta la Ansixinayo Miisaaniyada cusub si aanay u istaagin Hawl socodsiinta hawlaha Qaranku.
Wareegtada Wasiirka oo soo baxday 10 janauary 2012 ku waxay u qornayd sidan:-
Ku: Dhamaan Wasaaraddaha iyo Hay'adaha Madaxa banaan
Og: Golaha Guurtidda
Og: Golaha Wakiiladda
Og: Madaxweyne Xigeenka JSL
Og: Madaxweynaha JSL
Ujeedo; Wareegto sii dayn kharash
Waxa dhamaan Wasaaradaha iyo Hay'adaha wareegtadani khusayso lala socodsiinayaa in Miisaaniyadii sanadkan 2012 ay noqotay mid ay socoto diyaarinteedu.
Sidaas darted si aanay hawl socodsiintu u istaagin waxaa laydiin sheegayaa in Miisaaniyaddii 2011ka ee sanadkii tagay aad kaga dhaqantaan 1/12 bishiiba ilaa waqtiga la soo Ansixinayo iyada oo kharashka la isticmaali doonaa noqonayo sida kuwa soo socda.
Waxa lagu isticmaali doonaa
A) Gunnooyinku waxay ku eeg yihiin Gunno Xill & Guri, Guno Maaliyadeed oo ku salaysan Miisaaniyadii 2011.
B) Shidaalada waxa la isticmaali doonaa 80% kii Miisaaniyadii 2011
1. Mushaharka iyo Gunooyinka (Guno Gaareed kuma jirto aan ka ahayn ta la siiyo dhakhtarada Ceerigaabo iyo Saylac)
2. Raashinka Ciidamadda & Agoomaha
3. Shiidaalka
4. Spare parts
5. Stationary
6. Kirada Xafiisyada (haddii ay jirto)
7. Isticmaalka Nalka iyo Biyaha
Allaa Mahad leh
Eng: Maxamed Xaashi Cilmi
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

No comments:
Post a Comment