cashuurtooda+ganacsatada oo diiday in ay cashuurtaan badeecadaha la laban laabay
Dekeda magaalada berbera ayaa waxa wiigan udanbeeyay Laga hadal hayay badeecadaha kasoo daga oo cashuurtooda ay wasaarada maaliyada Somaliland Kordhisay dhamaantood balse waxa hadal haynta badeecadaha cashuurtooda la kordhiyay ubadnaa oo iyaga sida la sheegay si aan xadi laheyn loo kordhiyay oo imika Dekeda buux dhaafiyay sharaabyada soodhaha leh oo dhan waxaana kamida sharaabyadaasi Coke cola,Shani.Marinda,Sprite iyo Energy drinks, oo cashuurtooda ay wasaarada maaliyada Somaliland sadex laabtay sida ka muuqata wareegtada kasoo baxday Wasaarada maaliyad .waxaana iyana sida sharaaabada oo kale loo laban laabay caharteeda saabunaha kasoo dagta dekeda berbera iyada oo aan masuuliyiinta kastamka berbera ee ay kordhinta caashuurtani khusaysaa sicad usheegin xadiga cashuurta la kordhiyay ee badeecadahan ayaa hadana waxa ay noo xaqiijiyeen shaqsiyaad ku dhawdhaw haayadaha dawlada ee ay cashuur kordhintani khusaysaa in marka hore guud ahaan la kordhiyay dhamaan badeecadaha kasoo daga dekeda berbera guud ahaan (0.5% on Value),waaxanay kordhinta cashuurahani keentay in ganacsatada keentay ay utagaan ama la kulmaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilanyo)oo ay kala hadlaan cashuurtan lagu kordhiyay badeecadaha qaar kulankaas oo saacado qaatay ayaa waxa la sheegay in uu wasiirka maaliyaduna kasoo qeybgalay waxaanay ganacsatadaasi Madaxweynaha usoo bandhigeen faa,iidada dhabta ah ee ay ku qabaan badeecadahan cashuurtooda la kordhiyay ee ay keenaan.Sidoo kale waxa ay ganacsatadaasi Madaxweynaha uga warameen qeybta ay kayihiin dakhli ururinta wadanka oo ay Kaga qeyb qaataan cashuur bixin waxa kaloo ay iyana Madaxweynaha kala hadleen ganacsatadani in aanay macquul aheyn in wakhtigan xaadirka ah la kordhiyo qiimaha cashuurta sharaabkan Coke cola dhibaato xaagana ay ganacsatada ku tahay kordhinta cashuurtani sidaa darteed waxa ganacsatadani Madaxweynaha ka codasdeen in hoos u eego cashuurtan la kordhiyay iyo doorka ganacsatada reer Somaliland ku leeyihiin bixinta dakhliga dalka kasoo baxa waxaanay ganacsatadani Madaxweynaha usheegeen in aanay cashuurta la kordhiyay ee lagu kordhiyay labada Shay ee kala ah Coke cola iyo saabunta aanay kula baxayn badeecadaha ka yaala dekeda cashuurtaasi ay wasaarada maaliyadu cashuurta ku kordhisay dhaqdhaqaaqoda ganacsina aanay sii wadi karin madaama oo ay cashuur kordhinta xukumadiisu noqotay mid daba furan oo aan joogsi laheyn taasina ay Sababi karto kala go ganacsi oo soo waajaha shacbiga reer Somaliland iyo cashuur bixintii oo iyana Goobtaba ka baxda taasina ay dhibaatadeeda leedahay cid ay dani ugu jirtaana aanay jirin xalinteeda Madaxweynaha ay uga fadhiyaan Ganacsatadu,
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilanyo)ayaa markuu dhagaystay cabashada ganacsatada ayuu ugu jawaabay ganacasatada in uu cabshadoodaa hoos u eegi doono isaga iyo xukumadiisuna ay dib isugu noqon doonan jawaabana uu kusoo celin doono jawaabtiina aanay ilaa imika oo ay kasoo wareegtay shan maalmood wali kasoo bixin Madaxweynaha Somaliland lagana sugayo Iyada oo ay isa soo tarayaan sharaabada iyo saabuunaha lagu kordhiyay cashuurtu oo ay soo buux dhaafiyeen dekeda magaalada berberana ay wakhtigan xaadirka ah la ciirciirayso labadaa badeecadahaasi cashuurtooda sida xad dhaafka ah Loo kordhiyay, waxaana bakhaarada dekeda toonsan sharaabyada noocaydooda Soodhaha leh oo ay keeneen ganacsatada wali ka dhursugaysa jawaabta Madaxweynaha Somaliland waxaanu sharaabkani kusoo beegmay wakhtigiisii ay ganacsatadu keeni jireen safaradooda ganacsi ee ugu badan, waxaanay sharaabadan iyo saabuunahani culays aan xadi laheyn ku hayaa dekeda iyo ganacsatadii laheyd oo Iyaguna wali dhawraya jawaabta Madaxweynaha iyo dib isugu noqoshadii uu ganacsatada usheegay Madxweynuhu sidoo kale ganacsatada ayaan iyagu udhaqaaqin cashuurta badeecadaha sida xad dhaafka ah loo kordhiyay waxa se iyaga Sicaadiya ay ganacsatadu ucashuurteen badeecdaha kale ee iyaga la kordhiyay(0.5.on value.ga)
Dhinac maamulka maaliyada ee kastamka magaalad berbera ayaa iyagu malintii axda ee bishu aheyd 08/january2012 saxaafad usheegeen in aan wax cashuura la kordhin haba yaraatee taasi oo noqonaysa mid aanay si xaqiiqa uga run sheegin masuuliyiintaasi iyaga oo sicad udafiray cashuurahaa ay wasaarada maaluiyadu kordhisay oo ah sidan hoos ku qoran shaxdii lagu kordhiyay cashuurta sharaabad Kala Duwan iyo saabuunaha dharka iyo kuaw jidhka
NO Nooca Badeecada Qiimihii Hore Qiimaha Danbe
1- Coco Cola $0.35per litire $0.916 per litire
2- Pepsi cola $0.35.per litire $0.916 per litire
3- Marinda $0.35.per litire $0.916 per litire
4- Fanta ogange $0.35.per litire $0.916 per litire
5- Fanta Straw bery $0.35.per litire $0.916 per litire
6- energy/Drinks $0.35.per litire $0.916 per litire
7- Shani $0.35.per litire $0.916 per litire
8- 7up$0.35.per litire $0.35.per litire $0.916 per litire
9- Zido power $0.35.per litire $0.916 per litire
10 Detergent soap powre $0.20per kg $0.50per kg
1 Laudry soap $0.30per kg $0.50 per kg
Ganacsatadii sharaabadan iyo saabuunaha laheyd ayaa iyagu aan joogin magaalada berbera oo jawaabta Madaxweynaha ku sugaaya magaalo madaxda somaliland ee Hargeysa oo inta badan ay ku dhaqan yihiin sidoo kale Mukhalisiinta badeecadaha cashuura oo aanu iyagana isku dynay in aanu wax ka weydiino dhacdadan ayaa ka gaabsaday maadama oo aanay iyagu hantiilayaashii badeecadaha ahayn.
Reporter by Mohamed Abdillahi Farah
Gabileynews.net berbera/office
Saaxilreporter@gmail.com
No comments:
Post a Comment