22 January, 2012

War Deg Deg Ah: Dagaal U Dhaxeeya Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo Maleeshiyadda Nabad Diidka Ah Oo Caawa

War Deg Deg Ah: Dagaal U Dhaxeeya Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo Maleeshiyadda Nabad Diidka Ah Oo Caawa Mar Kalle Ka Qarxay Duleedka Degmada Buuhoodle
Dagaalka ayaa sida uu weriye madax banaan oo degmada Buuhoodle ku sugani Gabiley news u xaqiijiyey ah mid xoogan waxaana la isu adeegsanayaa hubka culculus....

Buuhoodlle (GNS)- Wararka naga soo gaadhaya degamda Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa sheegaya in dagaal xoogani uu dib mar kale uga qarxay deegaanka Sool-joogto oo qiyaastii 30km dhinaca bari kagag beegan degmada Buuhoodle. 

Dagaalka ayaa sida uu weriye madax banaan oo degmada Buuhoodle ku sugani Gabiley news u xaqiijiyey ah mid xoogan waxaana la isu adeegsanayaa hubka culculus iyadoo Dayaanka madaafiicdana laga maqlayo gudaha degmada Buuhoodle iyo goobo kale oo ka durugsan. 

Wararka ayaa intaas ku daraya in weli dagaalkaasi uu socdo laman oga ilaa iyo hada khasaaraha uu sababay iyo weliba cida weerarka soo qaaday inkasta oo markii hore in dagaal qarxo cabsi weyn laga qabay maadaama ay Maleedhiyadda nabad diidka ah ee ku sugan aaga Buuhoodlle iyo Ciidamadda Qaranka Somaliland goobtaas isku hor fadhiyeen. 

Waana markii 3-aad oo mudo todobaad gudihiis ah uu deegaanka Sool-joogto dagaal ku dhex maro ciidamada Somaliland iyo Maleeshiya Beeleedka Hubaysan ee ku sugan Deegaankaas. 

Wixii warar ah oo kasoo cusboonaada dagaalka caawa ka socda duleedka degmada Buuhoodle ka filo Gabiley news saacadaha soo Socdda . 

Gabiley news desk 
Contactgabiley@yahoo.com
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: