Shir Socdey muddo gaaban isla markaana ahaa garnaqsi una dhaxeeyay Xukuumadda iyo Saxaafadda ayaa lagaga wadda hadley....
Hargeysa (GNS) Suxufiiyiintii Kala Duwanaa Ee Shalay Lagu Xidhay Xabsiga Dhaxe Ee Magaaladda Hargeysa, Ayaa La Sii Daayay Maanta Saacaddu Markay Ahayd 1:10 Duhurnimo, Suxufiuiyintan Oo Ay Tiraddoodu Ahayd In Ka Badan Laabatan Suxufi, Kuwaas Oo Iskugu Jirey Wiilaal Iyo Habllo.
Wariyaayaashan Oo La Hadley Warbaahinta Ayaa Sheegay In Ay U Mahadnaqayaan Cid Kasta Oo Ka Qayb Qaadatay Soo Dayntoodda, Waxana Ay Carabka Ku Dhufteen In Loola Dhaqmay Si Wanaagsan, Balse Waxa Ay Tilmaameen In Xadhigoodani Uu Ahaa Mid Sharci Darro Ah.
Wariyaashan Ayaa Sheegay In Ay Canbaareynayaan Cid Kasta Oo Isku Daydda In Ay Cabudhiyaan Saxaafadda, Waxana Ay Sheegeen Inaanay ,Marnaba Indha Ka Qarsan Doonin Wax Kasta Oo Run Ah.
Boqlaal Qof Oo Iskugu Jirra Warbaahinta Iyo Dad Kalle Ayaa Sugayay Isla Markaana Codsanayay In La Soo Daayo Wariyaasha Xidhan,
Dadkan La Soo Daayay Ayaa La Xidhay Shalaytoolle Ka Dib Markii La Soo Qabqabtay Iyaga Oo Codsanayay In Xukuumaddu Ay Joojiso Cabudhinta Saxaafadda.
Dhanka Kalle Warbaahinta La Soo Daayay Ayaa Waxa Durbabddiiba La Geeyay Hotel Xaraf Ee Magaaladda Hargeysa, Halkaas Oo Ay Kulan La Qaateen Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraalle Duur, Afhayeenka Madaxtooyadda C/Laahi Maxamed Daahir Cukuse, Waxana Ay Ka Wadda Hadleen, Arimaha Loo Xidhxidhay Iyo Talaabadda Ka Danbeysay.
Cukuse Oo Dalbanayay Isla Markaana Islahaa Ku Maslaxo Wariyaayashan La Xidhay Qaddo Sharaf, Ayaa Ay Ka Diideen In Uu Soo Horfadhiisto, Waxana Ay Dhamaan Saxaafaddu Codsatay In Dibadda Loo Saaro Mr Cukuse, Oo Ah Afhayeenka Madaxweyne Siilaanyo.
Sidoo kalle Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Mr Duur, ayaa Waxa Uu Amar Ku Bixiyay In Uu Cukuse Ka Baxo Goobta Waxana Uu Yidhi “Adeer Hadanay Ku Ogolayn Saxaafaddu Dibadda Iskaga Bax”.
Balse Cabaar Ka Dib Wadda Hadal Ay Wadda Qaateen Mulkiilaha Horn Cable TV Farxaan Xaaji Cali Iyo Afhayeen Cukuse, Waxa Laysku Afgartay In dib Loo Soo Celiyo Afhayeenka Madaxtooyadda.
Shir Socdey muddo gaaban isla markaana ahaa garnaqsi una dhaxeeyay Xukuumadda iyo Saxaafadda ayaa lagaga wadda hadley in xukuumaddu saxaafadda ula dhaqanto sidda saxaafaddahaan, iyo in wax lakala tabanayo ee u dhaxeeya labadda dhinac lagu dhameeyo wadda hadal.
Wasiirka Arimaha Gudaha oo ka hadley shirkaasi ayaa ka raali galiyay saaxafadda xadhiga lagula kacay, waxana uu u soo jeediyay in ay iska ilaawaan wax kasta oo soo gaadhey, isaga oo ka codsdey in laga wadda shaqeeyo dhanka wanaagsan
Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Gabiley News Reporter
Hargeysa Office
Contactgabiley@Yahoo.Com
No comments:
Post a Comment