SAXAFI
“Somaliland waxay sheeganeysaa aqoonsi haddana ma hayso waddo dastuuri ah oo ay ku heli karto aqoonsi”-Gudaha ka Akhri Warbixin Laga Soo Saaray Kullan Hay’ad Caalami Ahi Ku Daraaseysay Somaliland Halka Ay Maanta Kaga Jirto Dunida
“Somaliland Waxa ay culeyska saari kartaa in ay ictiraaf ka hesho Mareykanka ama Itoobiya, kuwaas oo ka caawin kara in ay soo gaadhsiiyaan heerka Kosovo oo kale”
London, UK, January, 12, 2012 (Togaherer) – Warbixin ay soo saartay Xarrunta daraasaadka qaabilsan ee la yidhaahdo Chatham House, oo dalka Ingiriiska xarunteedu tahay ayaa waxaa lagaga hadlay labaatan sanadood ka dib halka ay Somaliland dunida kaga jirto, iyo sidii loo heli lahaa qorsheyaal cusub oo Somaliland ku heli karto aqoonsiga ay bulshada caalamka ka raadin karto.
Xaruntan cilmi baadhista oo loo yaqaan Chatham House, ayaa waxaa ay sanadkii 2011 qabteen kullan ay ka qaybgaleen siyaasiyiin reer Somaliland ah, xubno ka socday bulshadda rayidka ah iyo khuburo ka socotay beesha caalamka gaar ahaan waddamada iyo hay’adaha xidhiidhka la leh Somaliland, kaas oo bishii December laga soo saaray warbixin shalay la soo bandhigay.
Warbixintan oo aad u dheer, Isla markaana u muuqata mid Somaliland ku riixaysa inay ka qaybgasho shirarka kooxaha Somalida ama dib u heshiisiinta Somalia, waxaa lagu bilaabay siddan: “Bishii July ee sanadkii 2011, Chatham House ayaa qabtey shir yar oo ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta Somaliland, bulshada rayidka ah, qurbajooga iyo mufakiriin ay weliba weheliyaan khubaro iyo ka warqabayaal ka soo jeeda dhinacyada beesha caalamka ee la macaamila. Shirka ula jeedadiisu waxa ay aheyd in laga hadllo halka ay Somaliland kaga jirto dunida ka dib labaatan sanadood oo ka soo wareegtay madaxbannaanida aan la aqoonsaneyn ee ay iskeed ugu dhawaaqday. Kulanku waxa uu raadiyey in uu dhiiri geliyo in si cusub looga fikiro Somaliland, iyadoo meel dhexdhexaad ah oo gaar ahna lagu qabtey shirka, laguna dhaqmay xeerka Chatham House. Warbixintan kooban ee kulanka ka soo baxdey waxa ay soo bandhigeysaa waxyaalo ka mid ah arrimihii xiisaha lahaa ee kulanka lagaga wada hadley. Ulajeedadu ma aha in si buuxda loo soo gudbiyo wadahadalkii shirka oo dhan, balse waa in la is weydiiyo su’aalo muhiim u ah Somaliland iyo inta la macaamisha. Waa maxay ictiraafka ay hadda haysato Somaliland? Dhibaato muhiim ah oo hortaalla Somaliland iyo inta la macaamisha waa su’aasha ku saabsan ictiraafka. Inkasta oo ay Somaliland gacanta ku haysato dhulka ay sheeganeyso badankiisa, isla markaana ururin karto canshuuro, dadkana u fidin karto adeegyada qaarkood, isla markaana qabatay doorashooyin dimuquraaddi ah oo dhowr jeer dhacay, haddana Somaliland weli ma helin maqaam caalami ah oo rasmi ah. Somaliland waxay sheeganeysaa aqoonsi haddana ma hayso waddo dastuuri ah ama caalami ahaan la aqoonsan yahay oo ay ku heli karto aqoonsi.
Qorsheyaal cusub ayaa raadinaya waddooyin la taaban karo oo ay Somaliland kaga dhex shaqeyn karto nidaamka caalamiga ah iyada oo aan haysan ictiraafka caalamiga ah. Fikradahaa waxa ka mid ah in deeqbixiyeyaasha caalamiga ah awood loo siiyo in ay dhaqaale ku shubaan sanduuq ay wada maamuli karaan deeq bixiyeyaasha caalamka iyo dawladda Somaliland. maadaama ay tahay dawlad aan la ictiraafsaneyn oo aanay u bannaaneyn in si toos ah loo siiyo taageero kabta miisaaniyadeeda. Qaabab cusub oo xidhiidh ah, ha ahaadeen kuwa dhaqaale ama diblomaasiyadeed, ayaa waxa ay muujinayaan horumar la gaadhey, haddana Nidaamkaa cusub ayaa loo arki karaa in la aqoonsaday xaaladda u gaarka ah Somaliland, intii laga soo qaadi lahaa Somaliland in la aqoonsan yahay ama mustaqbalka la aqoonsan doono.
Udub dhexaadka siyaasada dibada ee Somaliland waa in loo aqoonsado waddan madax bannaan. Inta la macaamishaa waxa ay ku faraxsan yihiin in ay dhiirri geliyaan xasilloonida balse waxaa ay walaac ka qabaan dhibaatada ay ku keeni karto guud ahaan Soomaaliya oo dhan ictiraaf si rasmi ahaan ah loo aqoonsado Somaliland. Gaar ahaan Afrikaanka la macaamilaa aad ayay xasaasiyad uga qabaan abuurista waddamo cusub oo loo abuuro qaaradda, maaddaama ixtiraamka xudduudihii uu ka tagay gumeysigu ay Midowga Afrika (AU) u tahay mabda’a aasaasi ah. Nidaamka caalamiga ah waxaa ka jira ictiraafyo kala heer ah. Waddan la aqoonsan yahay: waddanka la aqoonsan yahay waa heerka ugu sarreeya, Waxaana uu leeyahay ictiraaf buuxa oo aan sharciyan wax muran ahi ka taagneyn. Wadan aan la wadda aqooonsan ama waddan si aan buuxin loo aqoonsan yahay: waddanka waxaa aqoonsan qaar ka mid ah beesha caalamka, laakiin maadaama muran ka taagan yahay xagga madax bannaanida iyo/ama xagga sharciyadda, kama wada tirsana hay’adaha caalamka. Tusaale waxaa ah Kosovo.
Meelo aan la aqoonsaneyn: meelahan waxaa suurta gal ah in ay u dhisan yihiin sidii Qaran, balse awood uma laha in ay Qarannimadooda meel mariyaan. Somaliland waxa ay ku jirtaa qoladan. Somaliland waxa ay ku dooddaa in ay xaq u leedahay in la ictiraafo iyada oo ku saleysan in ay si ikhtiyaarkeeda ah ula midowdey Soomaaliya 1960-kii, haddana ay madax banaanida Somaliland ay ku imanayso gooni isu taaggeeda. Sidaa darteedna ma aha in waddan cusub la abuurayo. Dooddani waa mid xoog leh balse taageero siyaasadeed oo ka timaada wadamada kale la’aantood keligeed ma aha mid arinta ictraafka ku filan. Somaliland waxaa hor yaalla in ay kala doorato laba arimood midka ay ololaheeda diiradda ku saari laheyd. Waxaa ay culeyska saari kartaa in ay ictiraaf ka hesho waddan shisheeye oo saameyn leh, sida Mareykanka ama Itoobiya, oo laga yaabo in ay ku caawiyaan in ay soo gaadhsiiyaan heerka Kosovo oo kale. Waxaa kale oo ay yeeli kartaa in madaxbannaanideeda ay oggolaansho uga hesho Muqdisho, taas oo horseedi karta in ay dunidu si baahsan u aqoonsato. Labadaa dariiqadood midkoodna ma sahlana amaba waqtigan xaadirka ah uma muuqdaan in ay suurta-geli karaan. ….La soco caddadka danbe ee warbixintan
Warqabadka Togaherer
Hargeysa, Somaliland
Togaherer@gmail.com
SAXAFI
Hargeysa, Somaliland
Togaherer@gmail.com
SAXAFI
No comments:
Post a Comment