19 January, 2012

Maamul Ku Sheega Khaatumo State Oo Ku Dhawaaqay Wax Ay Ugu Yeedheen Golaha Maddaxtooyadda Iyo Golle Wasiiro Ah Oo Ka Kooban Lix Wasiir

Maamul Ku Sheega Khaatumo State Oo Ku Dhawaaqay Wax Ay Ugu Yeedheen Golaha Maddaxtooyadda Iyo Golle Wasiiro Ah Oo Ka Kooban Lix Wasiir
xubnahan ayaa la sheegay inay xilka haynayaan muddo gaadhaysa 18 bilood, si looga baxo....

Talleex (GNS) Deegaanka Talleex ee uu ka socddo shirka lagaga arinsayo wax lagu sheegay Maamul cusub oo uu yeesho Deegaanadda Sool, Cayn iyo Koonfurta Sanaag, ayaa waxa lagaga dhawaaqay, xubnaha hogaanka u qabanaya maamulka Khaatumo-

xubnahan ayaa la sheegay inay xilka haynayaan muddo gaadhaysa 18 bilood, si looga baxo waxa ay ku sheegeen xaalad adag oo lagu jiro. iyadoo hadda loo dhaariyey xilkii Saddex kamid ah, Magacayada Golaha madaxtooyada ayaa kala ah: 

- Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) 

- Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhosheel) 

- Cabdibuur Cilmi Qaaji (Biindhe)- 



Magacayada Golaha Wasiirada: 

1. Xuseen Saleebaan Xaaji Axmed (Dabay)- Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Caalimiga iyo Jaaliyadaha 

2. Maxamed Ducaale Cabdi- Wasiirka Amniga Qaranka 

3. Cismaan Axmed Jeex- Wasiirka Wasaaradda Maaliyaadda 

4. Cabdikariim Faarax Dhaaye- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta iyo Khayraadka Dabiiciga 

5. Maxamuud Diiriye Cabdi Joof- Wasiirka Wasaaraada Adeega Arrimaha Bulshada 

6. Yasiin Axmed Sulub- Wasiirka Wasaaraadda Arrimaha Gudaha 

Gabiley news desk 
contactgabiley@yahoo.com
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: