Kalfadhigii 17aad ee Golaha Wakiilada Somaliland oo Maanta Furmay, iyo Ajandihii loo qaybiyey.
Hargeysa - Khalfadhigii 17-aad ee Golaha wakiiladda Somaliland ayaa maanta ka furmay Xarunta Golaha Wakiilada ee Magaaladda Hargeysa.
Fadhigan oo uu shirguddoominayay guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Ciro) ayaa loogu qaybiyay mudanayaasha ajandaha kalfadhiga 17-aad.
Gudoomiye cirro waxa uu u soo jeediyay mudanayaasha in ay soo akhriyaan ajandaha kalfadhiga isla markaana ay maalinta Berri ah isugu soo noqdaan.
Halkan hoose ka akhri ajandaha kafadhiga 17-aad ee golaha wakiiladda Somaliland
Warbixinta Shirguddoonka iyo guddida joogtada ah
Mashaariicda sharci ee golaha horyaala
1. Anisixinta Miisaaniyadda Qaranka
2. Wax ka bedel iyo kaabista xeerka baanka dhexe
3. Xeerka baanka Islaamka
4. Xeerka Nabadgalyadda Wadooyinka
5. Xeerka Biyaha
6. Xeerka Iibka Hilibka
7. Xeerka ka ganacsiga hawlaha baanka
8. Xeerka aasaaska komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa
9. Xeerka caasimadda
10. Xeerka ciyaaraha
Ansixinta masuuliyiinta qaranka
U yeedhis masuuliyiin qaran
Iyo wixii kale ee soo kordha
Ayaa lagu soo Gabogabeyey Ajandaha kalfadhiga 17-aad ee golaha wakiiladda Somaliland.
No comments:
Post a Comment