13 January, 2012

Guurtida iyo Wakiilada Oo Sabtida yeelanaya Fadhi wada jir ah oo uu ka soo dalbaday Madaxweyne Siilaanyo

Guurtida iyo Wakiilada Oo Sabtida yeelanaya Fadhi wada jir ah oo uu ka soo dalbaday Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa - Mudaneyaasha laba Gole ee Guurtida iyo Wakiiladda Somaliland ayaa maalinta Sabtida 14-ka Bishan January la isugu yeedhay inay iskugu yimaadaan fadhi wada jir ah oo aan caadi ahayn oo ay ku yeelanayaan xarunta Baarlamaanka.

Fadhigan aan caadiga ahayn ayaa la sheegay inuu ka dalbaday Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), hase yeeshee qoraal kooban oo uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida laguma faah faahin waxyaabaha kulankan lagaga hadli doono, hase yeeshee Xildhibaano ka tirsan Goleyaashan ayaa shabakada wararka ee Somaliland.Org u xaqiijiyay fadhigan wada jirka ah la filayo inuu Madaxweynuhu ka hadlo xaaladda dalka gaar ahaan shirka Taleex.

Qoraalka wargelinta ah ee uu soo saaray Xoghayaha Guurtida Cabdilaahi Ibraahim Habane, waxa uu u dhignaa sidan:- “Shir-guddoonka Golaha Guurtidda Somaliland, isagoo Tixraacaya Warqadda Summadeedu tahay JSL/M/ShGW/081-856/01/2012, kuna taariikhaysan 12/01/201, Ujeedadeeduna tahay qabashada Kal-fadhi aan caadi ahayn, ayaa waxa dhammaan Mudanayaasha Golaha Guurtidda lagu war-gelinayaa inay ka soo xaadiraan Kal-fadhigaasi aan Caadiga ahayn oo ku qabsoomi doona Xarunta Golaha Wakiiladda Somaliland, Maalinta Sabtida oo ku beegan 14/01/2012 saacaduna tahay 9:00 Subaxnimo, haddii Eebe Idmo

Sidaasi darteed, waxa lagu adkaynayaa Dhammaan Mudanayaasha Golaha Guurtidda ka soo qayb-galka Kal-fadhigan aan caadiga ahayn, wakhtigana dhowraan.”

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: