25 January, 2012

Guddoomiye Cirro Muxuu Ku Macneeyay Khilaafkii Madaxwayne Siilaanyo Iyo Ku Xigeenkiisa…?

Guddoomiye Cirro Muxuu Ku Macneeyay Khilaafkii Madaxwayne Siilaanyo Iyo Ku Xigeenkiisa…?

Hargeysa,( Waaheen )–Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, ahna Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee urur siyaasadeedka WADANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ka mid ahaa guddi isku xil-qaantay inay soo afjaraan khilaaf ka dhex qarxay Madaxwayne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Md Saylici ayaa si kooban uga hadlay dhammaadka khilaafkaasi.

Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu sheegay in hadda khilaafkii labada masuul ee dalka ugu sareeya uu dhammaaday, balse inta aanay xalka arintaasi guddo galin ay labada masuul midba dhinaciisa u wareysteen, markaana ay ogaadeen in waxa la isku hayey ay ahayd hawlaha qaranka.

Guddoomiye Cirro oo ka mid ahaa Guddi afar qof ka kooban oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo masuul kale oo aanu magaciisa sheegin ay arintaasi ku guntadeen kuna guulaysteen inay Madaxwayne ku xigeenka oo muddo todobaad ku siman aan xafiiskiisa Madaxtooyada iman ay shaqada ku soo celiyaan "Markii aanu arrintaas galnay waxaanu waraysiyo la yeelanay dhinacyadii uu khilaafku u dhaxeeyey oo ahaa Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici, arrintuna waxa ay ahayd oo kaliya hawlaha qaranka" ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro oo xalay u waramay Telefishanka madaxa-banaan ee HCTV, waxaanu intaa ku daray in dhexdhexaadinta khilaafka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka ay isku hawleen "Arrintaas dhex-dhexaadinta waxaanu ku galnay aniga oo ah Guddoomiyaha Wakiillada, Guddoomiye ku-xigeenka Wakiillada, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo Nin kale oo  Masuul ah, Madaxweynaha iyo ku-xigeenkaba waanu u mahadnaqaynaa, markaanu wareysanay waxaanu isla garanay in wixii jira la soo afjaro, hawlaha qaranku ay socdaan. Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkuba hawshaas way naga aqbaleen, Madaxweyne ku-xigeenkuna shaqadii si caadi ah ayuu u bilaabay, waxaanu ku kalsoonahay in hawshaasi ay soo afjarantay"

Md Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay inay ka masuuliyiin ahaan ay diyaar u yihiin inay xaliyaan haddii khilaaf dambe yimaado "Haddii baahi kale timaadana diyaar baanu u nahay"

Waaheen

No comments: