20 January, 2012

Dawlada Ingiriiska Oo Somaliland Ku Marti-qaaday Shirka London


Dawlada Ingiriiska Oo Somaliland Ku Marti-qaaday Shirka London

Hargeysa,–Dawlada boqortooyadda Ingiriiska ayaa Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ku casuuntay inuu ka qayb-galo shir Dawladaasi u qabanayso kooxaha Soomaliya oo ka dhacaya Magaaladda Lodon.

Ku xigeenka Safiirka Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya Chris Allan oo shalay socdaal ku yimid Magaaladda Hargeysa isla-markaana la kulmay Madaxwayne Siilaanyo ayaa ka war bixiyay nuxurka dawlada Ingiriisku qabanayso, kaas oo lagaga hadlayo arrimaha siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo arimaha ay ka mid yihiin argagixisada iyo budhcad-badeeda.

Mr Chris Allan oo shir-jaraa'id ku qabtay Magaaladda Hargeysa kulanka Madaxwaynaha ka dib ayaa yidhi "Waxaan ku faraxsan nahay socdaalkaygan Somaliland, waxaan kulamo la yeeshay madax badan oo Somaliland ah oo aan kala hadlay arrimaha shir London lagu qabanayo oo ku saabsan dhibaatada Soomaaliya, waxaanan faahfaahin ka siiyay ajandaha shirkaasi oo lagaga hadlayo arrimaha saamaynta ku leh gobolka oo dhan ee ay ka mid yihiin Budhcad badeeda iyo argagixisadda."ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray "Waxa kale oo lagaga hadlayaa horumarinta, mashaariicda samofalka ee Ingiriisku siiyo Somaliland iyo Somaliya, Waxa kale oo lagaga hadlayaa mawduucyo kale oo la xidhiidha dhaqaalaha, waxa kale oo lagu soo qaadi doonaa xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya

Safiirku wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay inay muhiim tahay in Somaliland ka qeyb gasho shirkaasi isla-markaana ka jeediso aragtideeda iyo wixii u qabsoomay "Raysal wasaarahayaga iyo Xoghayaga arrimaha dibadduba inaan arrimaha shirkan u sharaxno Madaxweyne Siilaanyo iyo bulshada Somaliland-ba si shakhsi ah ayaanu u danaynaynaa in Madaxweynaha Somaliland uu Hoggaamiyo ergada Somaliland ee ka qeyb galaysa shirkan, raysal wasaarahayaga ayaa si toos ah ugu marti qaadi doona shirkan Madaxweyne Siilaanyo oo dhawaan qoraal u soo qori doona." Ayuu yidhi Mr Allan waxaanu intaa sii raaciyey "Xoghayahaga Arrimaha dibadu waxa laga yaabaa inuu Telefoon u soo diro si uu tafaasiil uga siiyo shirka"

Mr Chris Allan, waxaanu intaasi ku daray "Dariiqada ugu wanaagsan ee ay Somaliland ku gaadhi karto himiladeeda waxay tahay inay la kulanto beesha caalamka waxay noqon lahayd Madaxweyne Siilaanyo inuu gudbiyo qadiyadiisa shirkan oo ah mid aad iyo aad u sareeya, waxaanu aaminsan nahay in sida ugu wanaagsan ee Somaliland ku gudbin karto qadiyadeeda ay tahay in Madaxweyne Siilaanyo ka jeediyo shirkaasi arrintaa (Qadiyada),"

Safiir Ku xigeenku wuxuu sheegay in shirkan ay goob joog ka ahaan doonaan ilaa afartan Hoggaamiye kuwaasi oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Faransiiska, Raysal wasaaraha Itoobiya, Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay iyo dalalka qaadhaan bixiyeyaasha, Wasiiro arrimo dibadeedyo iyo masuuliyiin kale.

Dhinaca kale, safiir ku xigeenka dawlada Ingiriiska u fadhiya Magaaladda Addi-ababa ee dalka Itoobiya Mr Allan ayaa la sheegay inuu Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kala hadlay xadhigii 21-kii War-fidiyeen .oo markii dambe lagu soo daayey waan-waan uu ka galay ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA.


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: