16 January, 2012

Dagaal ka dhacay Buuhoodle-BBC

Dagaal ka dhacay Buuhoodle-BBC



Dagaalka Buuhoodle waxa ku hintay dhawr qof

Dowladda Somaliland ayaa sheegatay inay dagaal ku qabsadeen ciidamadoodu magaalada Buuhoodle, kadib markii uu dagaal ilaa xalay halkaasi ki dhexmarayay iyaga iyo ciidan deegaanka ah.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa sheegay in ciidankooda la wareegeen saaka, markii horena iyaga weerar lagu soo qaaday.

Laakiin dhinaca kale, Cabdirisaaq xaaji Bakeyle oo ka mid ah guddiga maamula degmada Buuhoodle oo sheegay in ay jabiyeen kana saareen ciidanka Somaliland magaalada.

Waxa uu ku eedeeyay in ciidamada Somaliland ay dileen dad rayid ah.

Xaaladda magaalada ayaa hadda lagu sheegay inay tahay mid deggan, laakiin dadku ay ka qaxayaan.

Guji hoos oo dhegeyso wareysiga
http://www.bbc.co.uk/somali/maqal_iyo_muuqaal/2012/01/120114_buhodle_fighting.shtml

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: