Isku soo baxan ayaa wax ka qayb qaatay boqolaal qof oo kaal duwan kuwaas oo ku kala dhaqan xaafadaha...... Daawo Sawiradda
Hargeysa (GNS)- Banaanbax balaadhan oo lagu taageersan yahay qadiyadda iyo madaxbaanidda Somaliland ayaa saaka ka dhacay magaaladda Hargeysa, banaanbaxan oo ay ujeeddadeedu ahayd Adkeynta Nabadgelyadda iyo sidda shacbiga reer Somaliland uga midaysan yihiin gooni isutaaga iyo madaxbaanidda Somaliland isla markaana xaduudda Somaliland ay tahay lama taabtaan.
Isku soo baxan ayaa wax ka qayb qaatay boqolaal qof oo kaal duwan kuwaas oo ku kala dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaaladda Hargeysa, Asxaabta Siyaasadeed iyo Xukuumadda, waxana ay gabagabdii dadkani iskugu yimaadeen beerta Xuriyadda ee Magaaladda Hargeysa.
Banaanbaxan ayaa wax dadka kala soo qayb galay madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), khudbad uu halkaasi ka soo jeediyayan waxa uu ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Dalka Somaliland.
Madaxweyne ku xigeenka waxa uu ka waramay dhibaatooyinkii loo soo maray dalka, siddoo kalena waxa uu ka Hadley Maamul ku sheega lagaga dhawaaqay deegaanka Talleex, waxana uu sheegay in shacabka ku dhaqan deegaanadda Sool, iyo Sanaag ay doonayaan isla markaana u baahan yihiin Maamulka Somaliland, waxana uu carabka ku dhuftay in Shacabka reer sool iyo shacabka kale eek u dhaqan somalilandba aanaay doonayan maamulka Khaatumo Seeg.
C/raxmaan Saylici waxa uu u soo jeediyay dadka ku dhaqan deegaanadda Buuhoodlle, iyo Laascaanood in laga shaqeeyo Amaanka, waxana uu tilmaamay in Ciidamadda Xooga Qaranka Somlaliland, ay adkeyn doonaan isla markaana difaaci doonaan dalkoodda hadii la soo weeraro.
Sidoo kale waxa madashaas ka Hadley Gudoomiyah Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, Ku somaha Gudoomiyaha Xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin, waxana ay dhamaantood sheegeen in loo baahan yahay in laga wadda qayb qaato amaanka iyo Xasiloonidda Dalka, waxana ay si qoto dheer uga Hadley hayaankii dheeraa ee loo soo maray Dalka.
Masuuliyiintani waxa ay sheegeen in ay garab taagan yihiin Ciidamada Qaranka Somaliland, isla markaana ay diyaar u yihiin in laga hor tago wax kasta oo wiiqaya midnimadda iyo Gooni isutaaga Somaliland.
Masuuliyiintan ayaa tilmaamay in dadkii ku dhawaaqay Maamulka Khaatumo Seeg ay ahaayeen kuwo calooshadda u shaqaystayaal ah isla markaana aan u tudhay shacabka deegaankaas.
Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka SSCD Keyse Cabdi Yuusuf, oo ka Hadley isna banaanbaxan ayaa sheegay in deegaanka Sool uu u haaradan yahay isla markaana jecel yahay Midnimadda iyo isku duubnidda Somaliland.
Gudoomiyaha Goloha Wakiiladda Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, oo hadal kooban kla soo jeediyay ayaa shacabka reer Somaliland u soo jeediyay midnimo iyo isku duubni.
Sdoo kale waxa iyana halkaas ka Hadley Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraalle Duur.
No comments:
Post a Comment