15 December, 2011

Xoghayaha Guddiga Dhaqaalaha Baarlamaanka Oo Ugu Baaqay W/Maaliyada Inay Kala Cadayso Ganacsatada

Xoghayaha Guddiga Dhaqaalaha Baarlamaanka Oo Ugu Baaqay W/Maaliyada Inay Kala Cadayso Ganacsatada Cashuurta Bixisa Iyo Kuwa Ay Ku Baaqato, Cadeeyayna In Xeerka Baanka Ay Waafajin Doonaan Shareecada Islaamka

Waxa Golaha Ku Adkaatay In Wax Alle Xaaraantimeeyay Uu Xalaaleeyo, Dooda Odoroska Miisaaniyada Cusub Laba Xubnood Baa Nagaga Jira, Xukuumadii Hore Waxaanu Isku Khilaafi Jirnay Lacago Aan Lagu Soo Dari Jirin Miisaaniyada" Md Cali Mareexaan

Hargeysa, December 14, 2011 (Haatuf) - Xoghayaha guddiga dhaqaalaha iyo Maaliyada ee golaha Baarlamaanka Somaliland Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa sheegay in miisaaniyada sanadka cusub distoorku waajib kaga dhigayo xukuumada inay golaha wakiilada usoo gudbiso 31-ka December, waxaanu tilmamaay in khilaafkii xukuumadii hore ku dhex mari jiray odoroska miisaaniayda ay xukuumadan cusubi fulisay, lacagihii aan lagu soo dari jirin miisaaniyada sanadeedka, wasaaarada maaliyadana ka dalbaday inay kala cadayso ganacsatada iyo shirkadaha cashuurta qaranku ku baaqato iyo kuwa bixiya cashuurta ku waajibtay, waxa uu intaa ku daray in xukuumadu cashuurta ay ka qaado ummadda ay si toos ah oo aan musuqmaasuq lahayn ay ugu adeegto.

Xoghayaha guddiga Dhaqaalaha ee Wakiilada ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyay xeerka Baanka dhexe ee Somaliland ee golahooda khilaafka cakiran ka dhex abuuray, isla markaana guddigooda dib loogu soo celiyay, kaas oo ay ku jireen qodobo shareecada Islaamka aan waafaqsanayn.

Xoghayuhu waxa u sidaasi ku sheegay mar uu shalay Haatuf xogwaran ka siiyay, isla markaana wax kaga waydiinay halka u guddigooda u marayo xeerkii Baanka dhexe ee golaha khilaafaadka ka dhex abuuray ee goluhu dib ugu soo celiyay inay waafajiyaan shareecada Islaamka iyo in kale waxa uu yidhi "Xeerka Baanka waxa golaha Baarlamaanka usoo gudbiyay Baanka dhexe ee Somaliland, anaguna guddi ahaan xeerkaasi markii aanu aqoon is waydaarsiyo u qabanayee golaha aanu horgaynay waxa uu goluhu isku raacay in muddada fasaxa aanu xeerkaasi soo habayno, sidaa darteed xeerkii hada gacanta ayaanu ku haynaa shaqadiisiina waanu ku guda jirnaa, Culimadaku xeel dheer shareecada Islaamkana wada tashi baanu kala yeelanaynaa, balse waxa markasta xeerkan loo soo celiyo waxa ugu muhiimsan waaxa weeye labada qodob ee distoorka qaranka ee 14aad iyo 5aad oo xeerkan tilmaamaya wax kasta oo shareecada Islaamka ka soo horjeeda, gaar ahaan qodobka 14aad waxa uu ka hadlayaa Ribada, qodobka 5aadna waxa uu waajib ka dhigayaa in xeerarka dalku waafaqsanadaan shareecada Islaamka"

xildhibaanku isaga oo ka hadlaya arrimaha golahoda ku adkaaday waxa uu  yidhi "Waxa golaha ku adkaatay in wax Alle xaaraantimeeyay in goluhu xaleeleeyo, cid ku dhici karta oo gacanta u taagi karta oo go'aan ka gaadhi karta waxa Alle xaaraantimeeyay ma jirto, sidaa darteed Culimada ku xeel dheer shareecada Islaamka ayaanu kala tashanaynaa, golaha waxaanu horaynaynaa wax aanshareecada ka hor imanayn, oo saxa, way jiraan dad madaxa oo leh aduunyadu-ba way ku dhaqantaaye sii daaya xeerkaasi, laakiinse qofka gacanta u taagaya eedumadiisa ay noqonayso iyo qofka dibada ka jooga way kala duwan yihiin, sidaa darteed xil baa naga saaran wixii aanu go'aan ka gaadhayno"

xogahayaha dhaqaalaha oo aanu su'aalnay khilaafkii xukuumadii hore ku dhex mari jiray ododroska miisaaniyadaha iyo dakhliyada oo muddadii xukuumada cusubi timid lagu tilmaao inay isfaham gaadheen iyo miisaaniaydii sanadka oo xilligii sharciyada dhigaysay in xukuumadu soo gudbiso la taagan yahay,waxa uu yidhi "Horta xukuumadii hore iskamaanu maagi jirine waxaanu isku khilaafi jirnay lacagihii aan lagu soo dari jirin miisaaniyada oo ka maqnaan jiray ayaanu ka dalban jirnay in miisaaniyada lagu soo daro, sida lacagaha Dakedda, Haamaha shidaalka, lacagaha Madaarada lagu qabto iyo sarifka lacagaha, arrimahaas oo dhan xukuumadan cusubi way fulisay oo miisaaniyadii ayay ku soo dareen, ta kale odoroska miisaaniyada cusub ee 2012-ka diyaarinteeda qayb baanu ka nahay oo laba xildhibaan oo laba xildhibaan oo guddiga ka tirsan ayaa ku jira falanqaynta dooda odoroska miisaaniyada, hase yeeshee miisaaniyad sanadeed kasta waxa uu distoorku waajib ka dhigayaa in xukuumadu Baarlamaanka usoo gudbiso 31-ka bisha December dhamaadka miisaaniyada sanadeedki hore, ta kale wada shaqaynta golahayaga iyo xukuumadu wuu fiican yahay, wixii aanu qalad u aragnana miiskaayaanu ka sheegaynaa, hase yeeshee nin hulaab xumi inuu wax qarsanaya la moodaaye, waxase muhiim ah inawoodaha distooriga ah ee ay kala leeyihiin hay'adaha dawladu ay isku ixtiraamaan"

xohghayaha dhaqaalaha oo aanu su'aalnay cashada wasiirka maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi ka bixiyo ganacsatada iyo shirkadaha ay cashuurtu ku baaqsato waxa guddigoodu ka leeyahay, waxa uu yidhi "Horta shacabka waxa ku waajib ah in cashuurta ay bixiyaan, dawladana waxa looga baahan yahay in cashuurta ay bixiyaan ummadu aan la musuqmaasuqin oo si toos ah loogu adeego horumarkooda, wasaarada maaliyadana waxaan usoo jeedinayaa in ganacsatada cashuurta bixisa iyo kuwa aan bixin ay kala cadeeyaan si ay dhiiri galin u helaan kuwa cashuurta qaranka bixiyaa, oo aan dusha layska saarin kuwa bixiya iyo kuwa cashuur diidka ah,cidda cashuurta bixisana abaal marino dhiiri galena la siiyo". 

No comments: