Wasiirka Boosaha Oo Ka Hadlay Halka Uu Ku Dambeeyay Mashruucii Som-Cable
"Koodh nambarka qaramada midoobay ayaa bixiya, qaramada midoobayna dal aanay aqoonsanayn ma siiyaan" Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland
Hargasya-Dawan- Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md Axmed Xaashi Oday ayaa sheegay in ay ku hawlanyihiin sidii ay Somaliland u yeelan lahayd koodh Lanbarka ama furaha caalamiga ah ee Telefoonada, una bedeli lahaayeen lanbarka furaha Soomaaliya ee hada la isticmaalo.
Wasiirka oo xalay khadka telefoonka ugu waramay wargeyska Dawan, waxa uu sheegay in sababta ay Somaliland ilaa hada u yeelan wayday lanbarka furaha caalamiga ah in ay ugu wacan tahay lanbarkaasi furaha ah oo ay bixiyaan qaramada midoobay, iyada oo aanay lanbarkaasi siinin dal aanay aqoonsanayn. waxaanu wasiirku xusay in ay ku dadaalayaan sidii ay Somaliland u yeelan lahayd lanbarkaasi, iyaga oo la kaashanaya dalkii Ruushka ee burburay iyo dalal ka mid ah Yurubta galbeed kuwaasi oo lanbarkaasi si dadban ugu sameeya fure aanay qaramada midoobay aqoonsanayn balse dalal badan oo caalamka ahi ay aqoonsanyihiin.
"Koodh nambarka qaramada midoobay ayaa bixiya, qaramada midoobayna dal aanay aqoonsanayn ma siiyaan, laakiin dalkii Ruushka ee bur-buray iyo qaar ka mid ah dalalkaa Yurubta bari ayaa hawlahaasi si dadban u gala, oo sameeya nambar koodh ah oo aanay qaramada midoobay aqoonsanayn laakiin dalal badan oo caalamka ahi ay aqoonsan yihiin sameeya, kaana sidii aanu u heli lahayn waanu ku jirnaa oo waanu ku hawlanahay." Ayuu yidhi wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday.
Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiintu waxa uu beeniyay khilaaf la sheegay in uu soo kala dhex galay wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo shirkada GEMDT (General Engineering Marketing Development and Trading), oo laga leeyahay dalka Faransiiska, shirkadaasi oo Somaliland heshiis kula gashay in ay u samayso furaha lanbarka caalamiga ah, waxaanu wasiirku xusay in shirkadaasi mudadii ay heshiiska kula galeen in ay ku dhamayso hawlahaasi ay ku qaban wayday ka dibna heshiiskaasi uu wakhtigii ka dhacay "Khilaaf nama soo kala dhex gelin shirkadaasi GEMDT, laakiin heshiiskii ay qandaraaska ku qaateen ayaa ahaa in ay hawsha ku qabtaan saddex bilood iyo in ay keenaan waxyaabo kale oo fara badan oo lagu maamulo isgaadhsiinta, markaa waxay ahayd in ay bishii March ee sanadkan dhameeyaan, markaa markii ay waxba qaban waayeen bishii Augusta ee sanadkan markii ay waxba qaban waayeen ee heshiiskii qandaraaska wakhtigiisii dhacay wixii ay balan qaadeena ay fulin waayeen shirkadii heshiiska qandaraaska ku qaadatay ay ka soo bixi waayeen hawshii qandaraaska lagu siiyay. Imikana waxaanu doonaynaa in aanu qandaraaskaasi xayaysiino oo aanu shirkado kale heshiis la galno si aanu u bedelno nambarkaasi." Ayuu yidhi wasiirku.
Waxa kale oo aanu wasiirka wax ka waydiinay halka uu marayo mashruucii keenida cable-ka bada hoos mara ee Fibre Optica oo ay dalka keenayso shirkada Somcable, waxaanu sheegay in la bilaabay qodista dhulka oo dhinaca Jabuuti ay ka soo gudubtay una soo gudubtay dhinaca Somaliland oo ay hada marayso magaalada Lawyacado, waxaanu yidhi "hawshii Cable-ka waala bilaabay qodistiina waxay soo maraysaa oo ay soo gaadhay Lawyo Cadde, intaasi way ka soo dhamaatay dhinaca Jabuuti, markaa dhinaca Somaliland ayay u soo gudbaysaa dhawaan, maalin dhawna waala bilaabayaa Inta aanay bishani dhamaanin ayaa lagu rejo waynyahay in ay bilaabanto, maalinta la bilaabana saxaafada ayaanu gaynanaa halkaasi Lawyacado, maalintaas ayaanay furmaysaa."
Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md Axmed Xaashi Oday, oo aanu waydiinay su'aal ahayd halka ay marayso arrintii isku xidhka shirkadaha Telefoonada oo ay qaarkood diidaynaayeen iyo in shirkadaha telefoonadu ay wada bixiyeen lacagtii cashuurta waxa uu ku jawaabay "Ma jiraan shirkado diidan isku xidhka, laakiin shirkadaha telefoonad qaarkood ayaa iyagu dhexdooda ku heshiin la qiimaha ay kala qaadan lahaayeen, markaa shirkadaha iyaga dhexdooda ayaanu isku dirnay in ay arrintaa ku soo heshiiyaan, haddii ay ku soo heshiin waayaana anaga ayaa wasaarad ahaan u jarayna qiime meel dhexe ah oo aan la dhaafi Karin.
shirkadaha isgaadhsiintu way ku kala duwan yihiin dhinaca lacag bixinta, shirkadaha qaar lacagta way wada bixiyeen qaarna badh ayay bixiyeen badhna wuu ku hadhsan yahay qaarna waxba may bixin, labada shirkadood ee Telesom iyo Somtel aad ayay u shaqeeyaan markaa labadaa shirkadood lacagta way bixiyeen, shirkada Nation-link iyadna way bixisay lacagtii liisanka, shirkada Africa Online iyadna badh ayay bixisay badhna wuu ku hadhsanyahay, laakiin shirkada Telecom oo aan iyadu wakhtigan shaqo badan qaban iyo shirkada Soltelco ayaa lagu leeyahay lacagihii liisanka, shirkadahaasina waxay noo balan qaadeen in ay bixinayaan lacagtaasi."
Waxa kale oo aanu wasiirka waydiinay su'aal ahayd Taawarada ay shirkadaha isgaadhsiintu magaalooyinka gudahooda ka dhex taagtaan kuwaasi oo la sheegay in khatar caafimaad daro u keeni karaan dadka, waxa uga qorshaysan wasaarad ahaan waxaanu ku jawaabay "Baadhitaan waanu ku samaynay arrintaa Taawarada, aduunkana arrimaha caafimaadka waxaa u qaabilsan hay'ada WHO, sanad walbana daraasadaha iyo qiimaynta ay ka soo saarto waanu helnaa, wax dhibaato caafimaad daro ah oo ay leeyihiina may sheegin, markaa waa la baadhay waxaana la cadeeyay in waxyaabaha ugu badan ee ay sababi karaan uu yahay in heer kulka caadiga ahi uu kor u kaco hal Digrii, heer kulkuna caalamka oo dhan ayuu kor u kacay, laakiin wax xanuun ah oo ay keenayaan ma jiro, daraasadii ugu danbaysay ee ay WHO ka soo saartay sanadkii 2010-kiina waanu haynaa markaa laguma sheegin wax dhibaato caafimaad daro ah oo ay ku hayaan dadka.Dad badan oo ka cabanaya dhibaato ay ku hayaan mishiinadu marka la istaadho ayaa noo yimid, kuwaasi oo ka cabanaya dhibaato ay sheegeen in ay mishiinadu ku hayaan dhibaato guryahooda iyo iyagaba, dadkuna iyagaa isugu wacan arrintaa oo baloodhkoodii yaraa ayay ka iibinayaan shirkadaha si ay u helaan lacag badan iyaga oo aan eegaynin dhibaatada ay u keeni karaan iyaga iyo dadka kale ee deriska la ah." Ayuu yidhi wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiintu.
________________________________
Published: 2011-12-17
Source: Wargeyska Dawan

No comments:
Post a Comment