14 December, 2011

Urur Siyaasadeedka Jamhuuriga Oo Maanta Guddoomiye Cusub Doortay


Urur Siyaasadeedka Jamhuuriga Oo Maanta Guddoomiye Cusub u Doortay Cismaan Xasan Mirre.

Shir ay maanta isugu yimaadeen Masuuliyiinta Ururkan ayey.....

Hargeysa (GNS) - Urur Siyaasadeedka Jamhuuriga ayaa maanta Doortay Guddoomiye cusub, waxaana la sheegay in Guddoomiyahani si ku meel gaadh ah u sii hayn doono Xilka. 
 
Shir ay maanta isugu yimaadeen Masuuliyiinta Ururkan ayey ku shaaciyeen in Guddoomiye cusub u doorteen Cismaan Xasan Mirre, iyada oo markii horena ahaa Guddoomiyaha Ururkan Cumar Xuseen. 
Guddoomiyihii hore ee ururkan oo madashii uu xilka ku wareejinayey ka hadlay ayaa sheegay in arrimo u gaara oo ku yimid daraadeed xilka u wareejiyey, balse uu garab taagan yahay ururka mar kasta, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Ururkan waxaa Guddoomiye ku meel gaadh ah la iiga dhigay 27-November, maantana waan wareejinayaa, iyada oo ay sababo ii gaar ah igu yimaadeen, waxaanan jecelahay in aan mar kasta Ururka la shaqeeyo oo waan garab taaganahay sidii loo horumarin lahaa”. 
 
Cabdi Xaaji Maxamuud Guuleed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee uu Ururku soo maray waxaanu sheegay in uu soo dhaweynayo Guddoomiyaha cusub ee Ururkan loo doortay. 
. 

Guddoomiya cusub ee Ururkan Jamhuuriga Cismaan Xasan Mirre oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay horumarka uu Ururkani hiigsanayo, isaga oo baaqa nabadeed u diray Dadkii shaqaaqadu ku dhex martay Deegaanka Seemaal, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Ururkan Jamhuurigu waa Urur ku soconaya talo wadaag, waxaan jecelahay in aan baaq uga diro halkan dadkii Shaqaaqadu ku dhex martay Deegaanka Seemaal, waxaanan leeyahay Dagaal wiil kuma dhasho ee wiil ayaa ku dhinta waana in laga shaqeeyaa Nabada iyo Horumarka Dalka, wixii khaldama la toosiyaa”. 
. 


Xig:Sacad Muse Cabdi 
Gabiley News Roporter 
Hargeysa/ Somaliland
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: