05 December, 2011

Mahiga: Somaliland Aqoonsi ayay u Qalantaa

Mahiga: Somaliland Aqoonsi ayay u Qalantaa

Haruun Macruuf | Washington- VOA


Lahaanshaha: AP

Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya Ambassador Augostine Mahiga ayaa sheegay in Somaliland ay u qalanto in la aqoonsado.

Inkastoo aanu ku fogaan arinta aqoonsiga Somaliland hadana waxa uu amaanay dimuquraadiyadda iyo habka doorashada, xasiloonida ka jirta. Waxa uu sheegay ineey mudantahay Somaliland in laga caawiyo dhinacyada amaanka iyo horumarinta.

Ambassador Mahiga ayaa hadalkan ka jeediyay Shirweyne Ka socday Magaalada Hargeysa oo lafagurayey sidii Beesha Caalamku gacan uga geysan lahay Xoojinta Hay’adaha Amniga ee Somaliland .

Shirkaasi waxaa ka qeeybgalayay masuuliyiin sarsare oo ka socday Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Dawladda Britian , UrurGoboleedka IGAD, iyo Masuuliyiinta Somaliland.

Warkan oo maqal ah guji hoos oo dhageeyso

http://www.voanews.com/somali/news/Somaliland-Waxeey-u-qalantaa-Aqoonsi--134990318.html

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: