13 December, 2011

MAAMULKII BUUHODLE IYO SARAAKIIL SSC AH OO U SOO WAREEGAY DHINACA XUKUUMADDA SOMALILAND

Saraakiil Horre Uga Tirsanaan Jirey Jabahadda SSC Oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyay Magaaladda Burco, Ka Dib Markii Ay Ka Soo Goosteen Kooxdda Nabad Diidka Ah Ee SSC

masuuliyiintan ayaa isugu jirra Sarkiil ka tirsanaan jirtay jabahadda SSC, Badhsaabkii iyo Maayirkii Buuhoodlle....

Burco-Saraakiil sar sarre oo horre uga tirsanaan jirey Jabhadda Nabad diidka ah ee SSC, ayaa maanta ka soo goostay jabhadaasi, waxana si maqaam sarre ah loogu soo dhoweeyay Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco. 

Masuuliyiintan ayaa waxa duleedka magaaladda Burco kaga hortagay masuuliyiin badan oo ka socday xukuumadda Somliland oo uu horkacayay Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cabdi Siciid Faahiye, Madaxa xafiiska siyaasadda iyo xidhiidhka Goleyaasha ee Madaxtooyadda Md. Bashiir Cabdi Xariir Badhasaabada gobolada Togdheer, Hawd ,Sool iyo saraakiil kale. 

Gudoomiyaha Xafiiska Siyaasada iyo Xidhiidhka Goloyaasha madaxtooyada Somaliland Bashiir Cabdi Xariir, oo ka hadlay halkaasi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin masuuliyiintan ay soo dhaweeyeen, waxaanu tilmaamay inay yimaadeen dalkooda oo aanay marti ku ahayn. 

Bashiir Cabdi Xariir wuxuu tilmaamay inay xubnahani ku soo hirteen gogoshii nabadeed ee uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo u fidiyay waxgaradka beelaha Sool, Buuhoodle iyo Sanaag bari. 

Guddoomiyaha xafiiska siyaasada oo la hadlayay masuuliyiintan wuxuu yidhi "Waa Maalin Taariikhi ah maanta Dadkii walaalaha ahaa ee kala maqnaa mudada dheer ayaa isku yimi, waxaana maanta weftiga balaadhan ee ka yimi Buuhoodle ay yihiin kuwo ka kooban madaxdii ciidamada iyo kuwii Gobolka taasi oo la odhan karo nabaddii Madaxweynahu ku baaqay intii hadhay dhumucdeedii maanta ayay na soo gaadhay waana wax ILAAHAY loogu mahadiyo," 

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdi Siciid Faahiye oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa ka mid ahaa hadalkiisii "Anigu waxaan u dhashay Saylac walaalahay oo Buuhoodle u dhashayna waanigaa maanata soo dhawaynaya, taasina waa mid dawladnimadu keentay, qoysna ma keeni karo qabiilna ma keeno karo ee waxa dadka isku keenaa waa qaranimada," 

Wasiirka oo hadalkiisa sii watayna wuxuu yidhi "Haddii aan runta idiin sheegana anigu waxaan ahay laba gar-daaq Jabuuti magacayga ayaa yaala oo Ciise ah, Somaliland-na wuu yaalaa oo aniga ayaa Saylac ka soo jeeda sidaas daraadeed, waxaan idin leeyahay dhulbahantoow idinkuba Majeerteen ayaad dhinac kala degtaan dhinacna xagan kale sidaas daraadeed sidayada isku dabaqa labada dhinac." 

Sidoo kale, Guddoomiyihii SSC u qaabilsanaa Buuhoodle Xariir Axmed, oo ku hadlayay magaca masuuliyiintan ka soo goostay ururkaasi sii burburay, ayaa sheegay aad ugu farxeen sidii loogu soo dhaweeyay magaalada Burco ee gobolka Togdheer. 

Xariir Axmed wuxuu sheegay inaanay qariib ku ahayn magaalada Burco, waxaanu tilmaamay inay deegaan yihiin waxaanu yidhi "Waan ka xumahay in anaga la na yidhaahdo Burco ayaa laydinku soo dhaweynayaa, anagu ma nihin qariib Waxaanu nahay dad Burco dedganaan jiray., Magaaladan maan iman muddo lix iyo toban sanadood ah sababo la xidhiidha is fahmi waa yar oo jiray dartii." 

"Waxaanu qaadanay gogoshii nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland noo fidiyay, waxaanan ka dhabaynaynaa nabad ku wada noolaanshaha dadka Somaliland, waxaanan uga mahadcelinaynaa ,madaxweynuhu inuu gartay nabadaynta,"ayuu yidhi Xariir Axmed. 

Masuuliyiinta la soo dhaweeyay oo lix xubnood ahaa waxay iskugu jireen Taliyeyaal ka tirsanaa garabkii hubaysnaa ee SSC iyo Badhasaabkii iyo Maayarkii jabhadaasi u qaabilsanaa Buuhoodle. 

No comments: