Dareenka dadweynaha reer berbera ee ku aadan dib magacaabida Maareeyihii hore looga bedelay dekeda Cali Xoorxoor
Anigu magacaabida Ina xorxoor waxa aan u arkaa gobolka Saaxil oo dib gacanta loogu galiyay Xisbigii Udub ee fadhiidnimada
Waxa saaka subaxnimadii hore magaalada berbera lagu waabariistay hadal haynta magacaabid maareeyihii hore ee Dekeda berbera Cali Cumar Maxamed(Cali Xorxor)iyo xilka qaadista maareyaha Dekeda berbera ee hada shaqada hayay Axmed Yuusuf Dirir oo Isagu xilka maareyenimo kala wareegay isla Cali Xorxorkan Manta lagu bedelay waxaana uu Maareye Axmed Yuusuf Dirir uu Maareyaha Dekeda berbera ahaa mudo sanad iyo afar bilooda isaga oo waxbadan oo horumara dekeda ka sameeyay Axmed Yuusuf Dirir mudadii yareyd ee uu shaqadan hayay waxaana laga dheehan karaa waxqabadyada Maareye Axmed Yuusuf Dirir Dekeda magaalada berbera iyo wakhtigii uu xilka la wareegay sida ay aheyd muuqaalkeeda guud iyo maamulkeeda hooseba waana wax taariikhdu xusi doonto oo aan marnaba maydhmayn qofkasta oo masuulana waxa ka hadha taariikh iyo waxa uu qabto balse Xilka Qaadista Maareyaha dekeda berbera waa mid ku salaysan siyaasad dawladeed oo qota dheer oo bulshada reer berbera ka Dheregsantay oo aan daahsaareyn,waxanay tallaabada uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) dib ugu soo magacaabay Maareeyahii hore ee dekeda berbera Cali Cumar Maxamed(Cali Xoor Xoor) ayaa noqonaysa mid fajac leh taasi oo ka yaabisay dad badan oo ay ka mid yahiin shacabka ku nool magaalada Berbera ee kala duwan in mid ka mid ah xubnahii ay Xisbiga KULMIYE waagii ay mucaaridka ahaayeen ku dhaliili jireen musuq-maasuq iyo ku tagrifalka hantida qaranka ay maanta ka maari-waa Waayeen dibna usoo magacaaban Cali Cumar Maxamed(Cali xorxor)oo dagaal ba,an kula jiray xisbiga Kulmiye Waxaanay bulshada reer berbera ka codeeyeen Cali Xorxor oo isagu ahaa ninka kaliya ee ay hoos yimaadan dhamaan Maamulada Gobolka saaxil,Degmada berbera iyo dhamaan hayadaha dawlada ee kala duwan iyo ciidamaduba waxaana lagu tilmaami jiray wakhtigii xukumadii Udub ee uu Madaxweynaha ka ahaa Daahir Rayaale Kaahin awooda labaad ee dalka Jamhuuriyada Somaliland(Second power)
Haddaba waxa ay dadweynaha reer berbera saaka markii ay sirasmiya umaqleen in uu Madxweynuhu maareyaha dekeda Berbera Usoo magaacabay Cali Cumar Maxamed(Cali Xorxor)ayay afkaaro kala duwan kabixiyeen magacaabidan Cali xorxor waxaana ugu horeyn aanu wax ka weydiinay Cabdi Faarax Cilmi oo kamida duqayda reer berbera waxana kamid ahaa hadalkiisii"Waa nasiib daro in ragii ugu horeeyay ama ugu awooda badanaa xisbigii Udub ee doorashada lagaga guulaystay ee ololaha ba,an ee naf iyo maalba leh kaga soo horjeeday xisbigii Kulmiye in manta iyada oo aan laba sano gaadhin wkhtigii shaqada laga eryay ee xisbigiisiina laga guulaystay dib loo magacaabo, waxa kaloo isna aragtidiisa ka dhiibtay Muuse Cabdi Cabdillahi oo da,diisa ku sheegay 68.waxaanu yidhi"Hore caalamka laguma arag xisbi doorasho kaga guulaysta xisbi kale oo dagaal ka dhexeeyay in uu Hanan kari waayo maamulkii iyo dawladnimadii uu hogaankeeda ku guulaystay ee shacbiga Somalilandna 51%codka ku siiyeen in hogaanka dalka uqabto waa wax aad loola yaabo takale ninkan Cali xorxoor ee hada lamagacaabay waa ninka berbera baabiyay ee manta ay ka reysatay laakiin waa la fahmi karaa Siyaasada ay xukumadu soo magacawday iyo danaha ay ka Leedahay waana meel marinta rabitaanka Xukumada ee gobolka Saaxil iyo khayraadka ku xeeran ee uu ganacsadaha Dahashiil uu aad udanaynayo horena ay ugu suuragali weyday,Cabdicasiis Maxamed Cabdi oo ah nin dhalinyaro ah ayaa isna yidhi sidan"Anigu magacaabida Ina xorxoor waxa aan u arkaa gobolka Saaxil oo dib gacanta loogu galiyay Xisbigii Udub ee fadhiidnimada iyo musuqmaasuqu hadheeyay waayo Cali xorxoor waxa uu ahaa awooda labaad ee dalka Somaliland wakhtigii xisbnigoodii Udub talada hayay hadaba aniga oo ah nin dhalinyaro ah oo reer berbera ah madaxdana aan kala jeclaysanayn hadana waxan sheegayaa cida waxqabadka samaysa iyo cida fadhiidka ah,waayo waxay tani muujinaysaa in ay ragii udub madaxda ka ahaa jidka kusoo wada jiraan dhawaan lawada magacaabi doono waxa kaloo ay fashilaad ku tahay talaabadan lagu magacaabay Cali xorxoor in aanu axmed Siilanyo hanan karin hogaanka dalka siyaasadiisun ay tahay midaa ka maarmi weyday Udubtii ay markii ololaha ku tilmaami jiray gafanaha dhiiga ka cabay shacbiga isaga oo Axmed Siilanyo cidla kaga dhaqaaqay ragii lasoo halgamay ee inuu mar uun Madaxweyne ka noqdo dalka usoo gaajooday dhibtooyinkan badan usoo maray, Maxamuud Cali Warsame oo kamida mukhalisiinta reer berbera ee dekeda badeecadaha ka cashuura balse imika u wareegay dalka Jabuuti oo Socdaal ku yimi berbera oo magacaabida Maareyaha Cusub kula kulmay berbera ayaa isn yidhi"Aniga waxa magaalada iigu danbaysay laba sanadood ka hor markaas oo aan dekeda badeecado ka cashuuri jiray balse aan ka wareegay markaan ka yaabay dhaqanada dekeda yaala ee jaajuusnimada ah iyo sida aan loo tixgalinayn ganacsadaha cashuurta(60,000,000)milyana bixiyay oo Lagu timaamayo tuug inta hal kartoon laga dhex helo badeecadiisa oo marka rateka cashuurta loo eego noqonaya 2500.laba kun iyo shan boqol shilin somaliland ah waa wax lala yaabaa in masuulka noocaas udhaqmaya lasoo celiyo waxaa kaloo aan ogay in Dekeda berbera ay ganacsato badani Cali Xorxoor uga yaaceen dhinaca muuqaalka Dekeda waa wax lagu farxo isbedelka intaa leeg ee dekeda laga sameeyay iyo waliba wadooyinka faraha badan ee bilicsan ee dawlada hoose samaysaysida looga shaqeeyay dekedana waxaanad moodaa dekedii dooraale ee jabuuti oo kale waxan odhan karaa waxay la tartamaysaa dekeda caalamka yarka imika la sheegayo in labedelay ayaa waxa uu xukumada ka mudanyay shahaado sharaf in la siiyo yacnii waxqabadka muuqda ee Dekeda uu Cali labaatanka sano ka qaban waayay ee uu yarkaasi mudada yar ku qabtay xilka qaadistiisuna waxan anigu shaqsi Ahaan umalaynayaa in aanay aheyn shaqo xumo laaakiin ay tahay siyaasad kale oo xukumadu danaynayso ileen ninkaa dekeda Sidaa udhisay ee dekeda labaadna imika xaga danbe ka wada dhismaheeda lama bedeleen ama dee guulwadeyntii Ina Xoorxoor ayaa yarka laga waayay waxaanan maqlay muu aqoon shaqdii Cali xorxor ee aanu ka tahriibnay anagu(Ganacsatadu),Xuseen Jibriil Biixi oo ayaa isna yidhi"Waar ninkan Cali Xoorxoor waxa kale looma soo magacaabine waa Burburinta Ciise Muusaha shiray ee danohooda ka tashaday iyo meel marinta Warshada uu Dahashiil ku waashay ee sibidhka Laakiin war la,aan ayaa haysa xukumada dahashiilaysane Cali xorxoor waxba kama qaban karo ujeedooyinkiina qolyahan habar jeclo ee ishuwan ayaan la hadlayaa waar dadku waa reero xukumaduna waa reero heshiiyay markaa hadii laysku xadgudbo Dawladi jirimayso ee yaan laysku habsaamin sibidhka berberana ragbaa leh oo ilaahay halkan ku abuuray hadii farfareynta laga dayn waayo taladu faraha ayay kabaxaysaa ama Udub soo ururso ama dahashiil haku hogaamiyee Madaxweynahana waxan leeyahay dee adiguna kursiga ubanee Riyaale hadii aanad dadkii faraha badnaa ee ku doortay hogaamin karin.
Dadweynaha ree berbera ayaa waxay sheegen in aanay xiligii doorashada ka codeyn Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ee ay iyagu ridayeen kana codeyen Cali Xorxor oo ay ku tilmaamen rijiim aan wax horumara laheyn ee shilimaad yaryar uun dadka siin jiray Waxaa kaloo ay aad isu weydiinayaan Cali xorxor ma bedeli doonaa ficiladii uu ku sameyn jiray magaalada berbera wakhtigii hore oo ay Ka Xuseen basaasiin uu odhan jiray dadka iisoo dhagaysta iyo jaajuusiin ay sheegen in uu shaqaalaha dhex dhigi jiray iyo tacadiyadii faraha badanaa ee uu bulshada reer saaxil iyo ganacsatadaba ku hayn jiray isaga ganacsatadana qaar kamida saaxiib dhaw la ahaa halka uu qaarkoodna kaba talaabiyay Somaliland ee ay orodka ku galeen dekedaha boosaso iyo Jabuuti ilaa imikana aanay soo noqon waxa kaloo aad laysu Weydiinayaa ma bedeli doonaa dabeecadihii foosha xumaa ee ahaa in uu iskartiisa ilaalisa is hordhigo qofkasta oo dan kale ay tacadiyo kula kici jireen xitaa ganacsatada wax kala soo dagta dekeda ayaa dhibaatooyin badan kala kulmi jiray askartaas waxa kaloo uu cali dhaqan ka dhigtay oo uu dabeecadiisa aheyd in uu jeclaa in ay dadku daba yaacaan oo uu shilimaad uqeybiyo islamarkaana uu baahida kaga faa,iidaysan jiray cidkasta oo baahan danina kaga xidhanto waxaana isla maanta la arkaayay askartiisii oo durbaba dabaaldagaysa iyo shaqsiyaad shaashadahaba ka baxay oo u adeegi jiray balse manta soo noolayday sikastaba ha ahaatee waxa la eegi Doonaa ujeedada ay xukumadu ka leedahay soo celinta maareye Cali xorxor oo in badan daba ordaayay Xukumada Axmed Siilanyo una Haraadnaa in uu mar uun maamulka dekeda qabto isaga oo aan marnaba niyad galin in uu masab siyaasadeed oo maareyaha dekeda Kasareeya doonto taasin ay tahay nasiib daro ku dhacday shaqsiyadiisa, waxa kaloo iyana aad laysu weydiinayaa ma rumoobi doonan Hadal haynta la sheegayo ee ah Meel marinta warshada sibidhka ee Dahashiil iyo cabudhinta odayaasha ay beesha Ciise Muuse ku soo Doorteen shirkii Dubur 29/09/2011.
Dhinaca maareyaha xilka uu ka qaaday Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilanyo)ayaa waxa uu katagayaa rikoodha fiican oo taariikhdiisa ugala kaasi oo ah in uu horumar balaadhan dekeda ku sameeyay oo dhinac walba ah iyo isaga oo aan Laheyn cid kaliya oo uu ku xadgudbay shaqaale iyo ganacsato toona waxa kaloo iyana aan jirin in aanu qof kaliya oo amarkiisa lagu xidhay Jirin mudadaa sanadka iyo afarta bilooda station iyo jeeltoona hadaba rikoodhkaa uu dhigay maareyaha xilka laga qaaday Axmed Yuusuf Dirir waa rukumada ay manta xukumada Xuisbiga Kulmiye ku faanto waxaana uu mudnaa in shahaado sharaf la gudoonsiiyo hadii xitaa xilka laga qaadayo.
Wariye Madaxbanaan Sakariye Yuusuf Faarax(Sakariye Jano)
Berbera/Somaliland
No comments:
Post a Comment