| Isku Aadka Koobka Ciyaaraha Gobolada Somaliland oo la Soo Saaray |
Hargeysa(Qaran news)-Isku aadka kooxaha ka qayb qaadnaya koobka Gobolada, ayaa si rasmiya la soo saaray, kadib markii Hotelka Hadhwanaag lagu sameeyey qori tuur, munaasibadaas qori tuurka loogu sameyey sideeda gobol ee ka qeyb galay tartamada ciyaaraha kala duwan ee dhawaan haddii ILLAAHAY SWT yidhaahdo ka dhici doona Magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco ayaa waxa goob jooga ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ciyaaraha, Masuuliyiinta Xidhiidhada kala duwan ee Ciyaaraha dalka iyo Tababarayaasha sideed Gobol.
Shaxda qori tuurkan oo loo sameyey laba guruub oo ay kala hogaamin doona labadii gobol Burco oo difaacanaysa Koobkan iyo Gobolka Awdal oo kaalinta labaad ka galay ciyaarihii gobolada ee ugu danbeeyey., waxayna Goboladu iskugu beegmeen sidan
Group A Group B
Togdheer Awdal
Maroodi-jeex Sool
Hawd Saaxil
Sanaag Gabiley
Guruubka ugu adag ama Guruubka dhimashada ayaa la isku raacay inuu yahay Guruubka A, run ahaantii kadib qori tuurkii ayaa waxa bilaamay dhoola tus iyo xamaasad aad u xiiso badan ayaa ka muuqatay Guruubka A, taas oo ciyaaryahano badan oo ka kala tirsan Goboladani ayaa mid walba rajo ka muujiyey inuu hanan doono koobkan.
Sidoo kale Guruubka B ayaa iyagu qudhooda aan la dhayal san Karin, iyada oo afarta goboli ay yihiin qaar qudhoodu aad iyo aad uga muuqato farxad iyo niyad wanaag. Haddaba isla shaxdan ayaa iyana lagu saleeyey shaxda Ciyaaraha fudud.
Dhinaca kale Shaxda Kubada Koleyga oo iyana loo sameeyey qori tuur isla shalayba ayaa waxa ay Goboladu iskugu dhaceen sidan
Group A Group B
Awdal Maroodi-jeex
Hawd Gabiley
Togdheer Sool
Saaxil Sanaag
|
No comments:
Post a Comment