06 October, 2011

Siyaasiga ASdan Waqaf oo kolkii u horaysay ka hadlay mawqifkiisa tan iyo intii uu maxkamada waayay

Siyaasiga ASdan Waqaf oo kolkii u horaysay ka hadlay mawqifkiisa tan iyo intii uu maxkamada waayay

Hargeysa(Ramaas)–Hogaamiyihii xubnihii dhawaanta iska casilay xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Md Aaden Maxamed Mirre Waqaf ayaa ku dhawaaqay inuu ka hadhay kooxdaasi, isla-markaana waxa uu shacabka ogeysiiyay inaanu ka mid ahayn urur siyaasadeedka la filayo inay ku dhawaaqaan.

Md Aaden Maxamed Mirre Waqaf, waxa uu sheegay in mabdi'ii iyo mowqifkii siyaasiga ahaa ee ay ku wada socdeen uu afduubay shakhsi gaar ah, sidaa daraadeedna uu go'aansaday inuu gooni socod ka noqdo arintoodaa, maadaama buu yidhi ay arintoodii isku badashay nin jeclaysi iyo qabyaalad.

War-saxaafadeed dheer oo uu maanta Magaaladda Hargeysa ka soo saaray Md Aaden Maxamed Mirre Waqaf isla-markaana uu ku faahfaahiyey arintaasi ayaa u dhignaa sidan:

Uj: Caddayn Mawqif

Sida aynu la wada socono dhammaan xubnihii hoggaanka, fulinta iyo golaha dhexeba waxay iska casileen xubinimadoodii Xisbi-siyaasadeedka UCID iyagoo ku qancay in nidaamka, qawaaniinta iyo dimuqraadiyada xisbiga gudihiisu aanay ahayn wax suurto-gal ah ka dib markii taas ay ka hor yimaadeen koox yar oo uu hoggaaminayay guddoomihii aanu mudada badan soo wada shaqeyneyney, Md. Faysal Cali Waraabe.

Intaas ka dib, xubnihii tirada badnaa ee aannu markaa iska wada casilnay urur- siyaasadeedkaas ayaa wada-tashiyo, doodo iyo falanqayn ka dib goostey inay aasaasaan urur-siyaasadeed ay ku midaynayaan aragtidooda siyaasadeed isla markaana ay ugu kuur-galayaan ka midho-dhalinta ahdaaftooda siyaasiga ah ee ku wajahan horumarinta iyo taabo-galinta dalkeena JSL. Anaga ujeedadayadu markaas waxay ahayd inaanu samayno qaab-dhismeed urur-siyaasadeed kaas oo damaanad qaadaya xaqa xubnaha isla markaana ah dimoqraadiyad si afkaartiisa iyo talladiisa dadku u wada yeeshaan oo aanay cid gaar ahi tunka u ridan.

Hannaankaas hawshaasi noogu socotey waxaa mar kaliya gaagixiyey oo ka leexiyey jidkii toosnaa ee la isku ogaa damac u eeg kii aanu ku kala tagnay Faysal Cali Waraabe.

Koox ka mid ah intii aanu hawsha wada wadnay ayaa iyagoo aan wax cudur-daar ah u hayn isku dayeen inay afduubaan hawlihii siyaasadeed ee noo dhexeeyey iyagoo la yimid qorshe lagu doonayo in lagu aasaaso urur-siyaasadeed talladiisu ku urursan tahay shakhsi. Haddaba arrintani runtii waa mid ii cuntami wayday oo aan maan-gal ahayn isla markaana ka durugsan wixii aanu ku doodaynay oo ahaa waxaanu rabnaa Xisbi lagu dhan yahay, talladiisana loo siman yahay isla markaana ay dimoqraadiyada iyo wada tashigu ka hanoqaadeen dhexdiisa.

Ugu dambeyntii waxaan ummadda u cadaynayaa in aanan ka mid ahayn urur-siyaasadeedka ay saaxiibaday furayaan kaasoo aan u arko inaanu ka tarjumayn mabaa'diidii salka u ahayd inaanu ka baxno urur-siyaasadeedkayagii hore, oo aanu umadda u keeno mid ka duwan kii hore qaab-dhismeed ahaan iyo hoggaan ahaanba.

Shacbiga Somaliland dhammaantii waxaan leeyahay waxaad igu ogaataan inaan u taagnaado tisqaadka iyo taabo-galka dimoqraadiyada ku dhisan dhaqankeena iyo wadatashiga ee horseedaysa horumar dhaqan-dhaqaale oo lagu reeyo.

Waxaan dhammaan muwaadiniinta damacsan inay isu-habeeyaan urur-siyaasadeedyo kula talinayaa inay aragtidooda balaadhiyaan isla markaana ay yagleelaan isu-tagyo siyaasadeed oo loo dhan yahay kana madaxbanaan nin jecleysi, dano gaar ah, qabiil iyo wax kasta oo aan la jaanqaadayn ahdaafta guud ee umadda JSL.

Wa bilaahi tawfiiq

Adan Maxamed Mire Waqaf

Hargeysa, Somaliland

No comments: