21 October, 2011

Madaxweynaha Somaliland Oo Go’aan Ka Soo Saaray Ilaalinta Dhulka Iyo Guryaha Danta Guud


Madaxweynaha Somaliland Oo Go'aan Ka Soo Saaray Ilaalinta Dhulka Iyo Guryaha Danta Guud

Hargeysa -Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta soo saaray digreeto madaxweyne oo uu kaga hadlay ilaalinta dhulka iyo guryaha   danta guud.
 Sidaasna waxa uu madaxweynuhu ku sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxaanu u dhignaa sidan:-
 "Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, Markuu Arkay: Qodobka 12aad, Farqadiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.  Markuu Arkay: Qodobka 2aad, Farqadiisa 2aad ee Xeerka Maamulka Dhulka, Magaalooyinka    Jamhuuriyada Somaliland Xeer No. 17/2001/
Markuu Ka war helay: In Guryihii Dawlada Boob lagu hayo oo dad kala iibsanayo qaarna ay isku dayeen in ay Mulkiyado u samaystaan Wuxuu soo saaray Go'aankan:-
Guryaha Dawladda, Dhulka Dawlada iyo dhulka danta guud waa hanti qaran, waxaana Awood sharci u leh iibintiisa, Bixintiisa, Kirayntiisa, dawladda dhexe. Waxaana reeban in cid gaar ah Mulkiyad iyo lahaansho gaar ah loogu sameeyo. Go'aankan waxa uu madaxweynuhu faray Hay'addaha ku shaqada leh inay waajibkooda ka gutaan meel  marintiisa."

No comments: