03 October, 2011

Ibraahim Dhegaweyne iyo Xildhibaan Qabile oo Xukuumadda ku Eedeeyay inay Maaliyad badan u Isticmaash

Ibraahim Dhegaweyne iyo Xildhibaan Qabile oo Xukuumadda ku Eedeeyay inay Maaliyad badan u Isticmaash

Dadka intaa leeg ee Wasiirkiina dhex fadhiyo ayaa laga xishoon waayaye Sacad Cali shire ha iska casilo Wasiirnimadda" Ibraahim Dhegaweyne

"waxaan garwaaqsaday inuu gaf dhacay, maanta waxa halkan inaga go'aan ah Garnaqsi ceeb la' oo adag oo aynu u marayno qawaaniinta iyo Xeerarka Somaliland" xildh Qabile

Dubur,(WAAHEEN)-Xidhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mida Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ee laga soo doortay Gobolka Saaxil ayaa shalay shir- jaraa'id oo uu ku qabtay Deegaanka Dubur ee uu ka socdo shirkii Beesha Saaxil, waxa uu ku sheegay in shirka Beesha Ciise muuse ka dhashay dhibaatooyin iyo hoos u dhac weyn oo Gobolka saaxil ka jira.

Xildhibaan qabile oo isagu ka mida Siyaasiyiinta Beesha Ciise Muuse ee Shirkaasi Dubur ka qayb galay ayaa isagoo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi "2009-kii Saxaafada Caalamka ee qiimaysa Dhaqaalaha Bulshooyinka Caalamka ku nool Berbera waxay ku tilmaameen Maagalo Xeeb ku taala aduunka tii  ugu fiqiirsanayd Caalamka xataa marka lagu daro  Bakaaraha oo Dagaalku markaa ka socday, dib u dhaca intaasi leeg ayuu kulankani ku yimi, waynu ognahay dhalinyaradeenii Tahriibta inta kaga tagtay dalka, sodon jirkuna wali waa ku marti dalka. Waayo anigu markii aan 26 Jirka ahaa laba caruurana waan lahaa Jaamicina waan ahaa, waxaanan ahaa qof shaqaysanaya maanta qiimaynta intaasi leeg ma laha, markaa dhibaatooyinka intaasi leeg ayay ka soo gurmadeen dadku, waxaanu ahaa mid kor loogu qaadayo deegaamada degto beeshu oo laysugu keenay naf iyo maal wixii la hayay.

Xidhibaanku waxa kale uu sheegay "markaanu aragnay shirka ka soo baahayay Warbaahinta Xukuumadda, ee ku baxayay Dhaqaalaha Xukuumadda ee ay ku hawlanaayeen hawl-wadeenadeedii hoose, annagu maanta anigoo ka tirsan Golayaasha Heer qaran ee wakiilka ka ahaa beelahan shiraya waxaan garwaaqsaday inuu gaf dhacay, maanta waxa halkan inaga go'aan ah Garnaqsi ceeb la' oo adag oo aynu u marayno qawaaniinta iyo Xeerarka Somaliland, waxaanan leenahay cidina inama khasbi karto cidina shir inagama joojin karto" ayuu yidhi Qabile

Dhanka kale Ibraahim C/lahi Dhego-weyne oo ka hdlay Madasha shirka Dubur ka socdo ayaa si adag ula hadlay Madaxda Dawlada Somaliland, taasoo uu sheegay inay khal-khal gelinayaan shaqaaleheedu  shirka Beeshiisa uga  socda Dubur.

Mujaahid Dhego-weyne waxa uu sidoo kale  Wasiirka Qorshaynta Sacad Cali Shire  oo Xukuumadda Shirkaasi uga qayb galay ugu baaqay inuu iska Casilo xilka uu hayo, maadaama la Ixtiraami waayay shirkan ay beeshiisu qabsanayso ee lagu Bur-burinayo Maaliyadii Dawlada, waxaanu yidhi "Dadka intaa leeg ee Madaxdhaqameedkii leh, ee Cuqaashii leh, ee Ganacsatadii leh, Culimadii leh Odayaashii leh oo Wasiirkiina dhex fadhiyo ayaa laga xishoon waayayoo, marba afar qof naloo soo dirayaayoo, shir uunbaa nalaga garab furayaa, Maaliyadii Dawladana waa nalugu garab gashanayaa, markaa saw dadkan lagu qasbi maayo inay dhanka kale u wareegaan, miyaanay Mucaarid noqda ahayn".

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi "Madaxda dawlada u saraysaa maxay waxan u samaynaysaa, waxaan kaloo sheegayaa Wasiirka Sacad Cali shire ha iscasilo Wasiirnimadda"

Waaheen

No comments: