Wasiirka Ganacsiga oo degmada Yegoori kula kulmay dhalinyaro qurbo joog reer Sool ah oo socdaalkooda laga bixiyey dareeno shaki xambaarsan
Hargeysa – (Saxansaxo-)Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay kulan dhex maray Koox Qurbo joog ah oo u dhashay Gobolka Sool, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey Socdaal shaki laga muujiyey ku marayey Deegaano ka tirsan Gobolka Sool.
Kooxdan Qurbo jooga ee Reer Sool oo dhawaan dalka Dibeddiisa ka yimid, isla markaana socdaal ku soo maray Deegaanada Buuhoodle, Taleex, Boocane iyo Deegaano kale, ayaa maalintii shalay waxa ay Magaalada Yagoori shir kula yeesheen Wasiirka Ganacsiga Somaliland C/risaaq Khaliif Cismaan.
Wasiirka Ganacsiga C/risaaq Khaliif Cismaan oo xalay Wargeyska Saxansaxo u waramayey isaga oo jooga Magaalada Yagoori ayaa faah faahin ka bixiyey shirka ay la yeesheen kooxdaasi iyo ujeedada ay u socdeen.
Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi
"Waxaanu u tagnay Safar shaqo oo Deegaankayaga ayaan gaadhay, waxaana jira Niman dhalinyaro ah oo Deegaanka u dhalatay, isla markaana Dibeddaha ka yimid oo soo jeediyey in la qabto Shir ay Beeshu leedahay oo lagaga wada hadlayo, dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin Horumarinta, markaas waanu soo gaadhnay si fiican ayaananu isku af garanay, waxaanu u sheegnay inay dadkii Deegaanka u dhashay yihiin oo aanay dhibaato wadin, Qaranimada Somaliland-na ka soo hor jeedin, in haddii ay Hargeysa ka soo degaan iyo Haddii ay Laascaanood ka soo degaan iskugu mid tahay, ujeedaduna ay noqonayso waxaanu ilaalinaynaa dalka horumarkiisa iyo Nabadgelyadiisa iyo in aan laga soo hor jeedin Qaranimada Somaliland oo aan dhulka laga sheeganaynin oo aanay cidina ka sheeganaynin, imikana aanu ku soo dhaweynayno kuna casuumayno Hargeysa ilaa Laascaanood meesha ay doonaan, markaa iyaguna waxa ay noo sheegeen in arintoodu aanay shir ahayn ee ay ahayd sidee loo shiri karaa, haddii laga hadlayo Waxbarasho, Horumarinta aas aasiga ah ee Deegaanka iyo haddii ay noqoto tii Dhaqanka ee Burburtay, Barnaamij noocaas ah oo dadku ma shiri karaana ayey ahayd".
Mar la weydiiyey Wasiirka in ay Dhalinyaradaas is arkeen, waxa uu ku jawaabay "Dhalinyarada saddex nin oo ka mid ah ayaa Magaalada joogay oo iyaga oo jooga aan ugu imid, waanu is aragnay waananu is af garanay si fiican baananu isku af garanay".
Wasiirka oo la weydiiyey bal inay dhalinyaradan ku jiraan dad ka soo horjeeda Qaranimada Somaliland, waxa uu ku jawaabay "Anagu markii aanu weydiinay arinkaasi waxa ay ku jawaabeen Anagu Somaliland waanu ognahay inuu maamul ka jiro, Mucaaridna kuma nihin oo wixii aad noogu talisaan ayaanu diyaar u nahay, shirkana waxa qaybinayey oo aanu hadda wada joognay nimankii Cuqaasha ahaa, Maayarka Magaalada ayaa qaybinayey, berrina (Maanta) shir labaad oo nimankii joogay, Odayaasha Deegaanka iyo Maamulkii Gobolka oo meesha soo gaadhay leeyihiin ayaa jira, waxaana Maamulaya Maamulka Deegaanka iyo Gobolka".
Mar Wasiirka la weydiiyey inay jiraan warar sheegaya inay isku afdhaafeen kulankii shalay oo uu gacan ka hadal isu bedelay, waxa uu ku jawaabay "Arintaasi ma jirto, kulanka meesha la iskugu yimid sadex qof baanu kaga hadalnay, Anigu waan ka hadlay halkan iyo wixii ka jiray Maamulka, Nidaamka iyo sidaanu u soo dhaweynayno cidii dalka wax ku soo kordhinaysa ee aan ka soo hor jeedin Maamulka iyo Qaranimada, waxaana yimid dad laga soo dhaadhiciyey inaanay dalka iman karin oo aanay ku soo bandhigi karin waxa ay doonayaan, waxaanay noola yimaadeen oo ay yidhaahdeen anagu waxaanu wadnaa ma shiri karnaa ma ka qayb qaadan karnaa Horumarka Deegaanka, haddii ay ka soo baxaan wax ku lidi ah anagaa dhibaatada wadna, markaa intaasaa la is yidhi oo la isku macasalaameeyey barritaana la ballamay wax dhibaato ah oo ka dhacayna ma jiraan".
Wasiirka oo la weydiiyey Mawqifka Xukuumadda ee ku aaddan Kooxdan Dhalinyarada ah ee dhaqdhaqaaqa ka wada Gobolka Sool, waxa uu ku jawaabay "Mawqifka Xukuumadda aan ka tirsanahay waxa weeyi sidii aan hadalka ku bilaabay oo ah in qof kasta oo Deegaanka u dhashay ama Dalka ha joogo ama Dibedda ha joogo in aan Shakhsiyadiisa xorta ah aan la cabudhin in uu Horumarintiisa iyo faa'iidadiisa uu kaga qayb qaadan karo Deegaanka, in dhaqankii Beesha u gaar ah ka shiri karto, haddii aanay lidi ku ahayn Qaranimada Somaliland, wixii intaas ka baxsan waanu dhiiri gelinaynaa, waanu la qabanaynaa wixii ay nooga baahdaan, haddii ay noqoto sugida Amniga iyo wixii la xidhiidha, waa inaanay mawqifkoodu kaliya ahayn wixii lidi ku ah Qaranimada Somaliland".

No comments:
Post a Comment