17 September, 2011

Wasiirka Gaashaandhiga SL.Oo Ka Hadlay Xiisada Colaadeed Ee U Dhaxaysa Beelaha Wada Dega Sanaag

Wasiirka Gaashaandhiga SL.Oo Ka Hadlay Xiisada Colaadeed Ee U Dhaxaysa Beelaha Wada Dega Sanaag


Hargeysa,(ramasnews)-Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa sheegay in khilaafkii u dhexeeya beelaha wada dega gobolka Sanaag ee ka dhashay dilka taliyihii saldhiga booliska Magaalada Ceerigaabo la filayo in la soo gabagabeeyo.

Mr Cadami waxa uu sidan ku sheegay wareysi gaar ah uu siiyay shabakeda wararka Ramaasnews iyo wargeyska madaxabanaan ee Hargeysa Star, waxaana uu sheegay wasiirka in madax dhaqameedyada gobolka Sanaag iyo xukuumada Somaliland ay dadaal ugu jiraan sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka taagan

"Arintaas u dhaxaysa beelaha wada dega gobolka Sanaag xalinteedu meel fican ayaa ay noo maraysaa oo madax dhaqameedyo iyo xukuumaduba waa laga hawl galay si aanay arintaasi mashaakil hor leh u abuurin iyo dagaal sokeeye  maanta, oo u dambaysay waxaan wada hadlaynay cuqaal iyo wax garad ka soo jeeda beesha Dhulbahante oo ah kuwa dhibka gaystay ee ninka dilay  oo ku sugan Magaalada ceerigaabo, waxaanay u yimaadeen in ay dhex dhexaadin arrinkasi ka sameeyaan, gobolka waxaa wada dega afar beelood oo waa wayn  marka ay laba is qabtaan labada kale ayaa dhex dhexaadin gala dhibkana halkaasi ayaa lagu xaliyaa, wax kasta oo uu yahayba markaa iminkana iyaga ayaa xalkii faraha kula jira xubno Xukuumada ka tirsanina waa ay joogaan oo wasiir ku -xigeenkii maaliyada oo deegaankasi ka soo jeedaaba waa ku sugan yahay hadda"

Mar  wax ka laga  waydiiyay  waxa uu kala socdo warar sheegaya deegaamo ka tirsan Bariga Sanaag ay la baxeen  faraha Xukuumada   ? waxaa ku jawaabay

"Maya waanu ka warhaynaa xaalada dacalada dalka waanan la soconaa dhaq dhaqaaq kasta oo ka dhacaya ,mana jiraan deegaamo ka tirsan Bariga Sanaag oo ay xukuumadu hore gacanta ugu haysay oo hada ka baxay,  dadka ku dhaqani maamulka ayaa ay la shaqeeyaan oo wax dhibaato ah oo haba yaraate ka jirtaana ma jirto, waxa kale oo aanu la soconayaa dhaqdhaaqyo ay maamul goboleedka Soomaaliyeed  ee Puntland ay xuduuda ka wadwadeen,  waanan ka feejignayn in ay wax nooga yimaadaan kaasina  waa uu fashilmay oo ninkii hawshaa watay, waxa dhawaan lagu dilay Magaalo Xeebeedka Boosaaso ." ayuu yidhi wasiir Cadami
waxaa kale oo wasiirka wax laga waydiiyey xubnihii ka tirsanyaa Dawlada Somaliland ee Taleex lagu afduubay halka ay xaaladoodii ku dambaysay?

"horta marka hore dadka la afduubay iyo cida afduubayba waa reer Taleex ,Taleexna waa meesha uu ka soo jeedo Madaxwayne ku Xigeenka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee  Puntland Cabdisamad Cali Shiire  markaa ma jiraan haba yaraatee wax ciidamo ah oo Somaliland ah oo Taleex ku sugan,i markaa arintaasi waa arrin murugsan oo dadkii deegaanka wada lahaa ayaa is afduubayaa oo midba midka kale isleeyahay yuu kaa qabsan deegaanka xubnahan Somaliland ka tegayna eheladoodii ayaa ay soo booqanayeen ee arimo siyaasadeed umay socon waxaana afduubkooda iyo xadhigoodaba ka dambeeyey  maamul goboleedka  Puntland hadii ay sidaa ku sii socdaana waxaa lumaysa xasiloonidii la rabay in ay kuwada noolaadan labada maamul mida kale ma jiro waxa alaaliyo wax sharci ah ama xukuna oo qabanayaa nin gurigiisii ku sii socda oo dhexda laga afduubay" ayuu hadalkiisa ku soo ooday wasiirka gaashaandhiga Somaliland.

Ramaasnews

No comments: