17 September, 2011

Is casilaada xisbiga UCID- Ee Dibad joogayaasha oo noqotay mashruuc magac doonasho ah

Is casilaada xisbiga UCID- Ee Dibad joogayaasha oo noqotay mashruuc magac doonasho ah
 

Dhamaan waxaan salaamaya bahda shabakadaha somaliland.
Waxaan kaloo salaamayaa dhamaan madaxda xisbiga ucid,taageerayaasha xisbiga,iyo dhamaan waxgaradka reer somaliland.

Hadaan u dego dulucda maqaalkan aan uga jeedo  waxaa jirta tan iyo intii maxakamad sare ee somaliland ku dhawaaqday xukunkii xaqa ahaa ee xisbiga ucid in ay badatay dad leh xil ayaanu u haynay UCID oo waanu is casilay leh.
hadaba waxaa u sheegayaa dhamaan dadka  reer somaliland in dadkaasi in tooda badan aanay wax xil ah u haynin xisbiga  ee ay yihiin magac doonasho iyo ka xumaan xukunkii xaqa ahaa ee maxakamada sharafta leh
ee somaliland xukuntay guushuna ku raacaday gudoomiyaha xisbiga  ENG. Faysal Ali Hussein.

Hadaba somalidu waxay tidhaahdaa (GERI LABA NIN KAMA WADA QOSLISO) dhankii laga xukumay dadkii taageeraha u ahaa waxaan leeyahay samir iyo iimaan qaata waa loo hibeeyaa markaad hayso maragii.
dadka leh waanu iscasilay ma xisbigay aaminsanaayeen mise qoladii laga xukumay??? hadaan anigu su'aashaas bal uga jawaabo waxay aaminsanyihiin dadkii daadku qaaday ee ma aha dad aaminsanaa xisbiga iyo sharciyadiisa.

Waxaana fiican in uu qofku ahaado mid mabda' leh oo ku raacay xisbiga barmaamijkiisa siyaasadeed, ee aanu ahayn mid dugsanaya dadka gaar ah ama shakhsi gaar ah. odhaah somaaliyeed oo baxday wakhtigii ingriiska baa ahayd " ALLAHAYOW MUXUU FARANJIGII NACAS FARIIDEEYEY... NIN AAN AABIHII FUULI JIRIN FARAS MUXUU SAARAY" . 

Tusaalahaas wuxuu ku qotomaa dadka aan macruufka ahayn ee ku soo shaac baxay xisbiga UCID masraxa siyaasada ku soo galay hadana si ay u iib baxaan sheeganaya maskab aanay haynin. waxaan leeyahay dadkaas aanu saaxiibada nahay siyaasadu waa galab iyo subaxlay, waxaa maanta idiin muuqda iyo waxa bari iman doona waa kala jaad ee ka fiirsada hadaladiina.

{ALAAH BAA MAHAD ISKA LEH}.  


GUDOOMIYAHA XISBIGA 
CADAALADDA IYO 
DARYEELKA (UCID) EE U.S.A 
ALI YUSUF QALIB

No comments: