12 September, 2011

Gudoomiyaha Baarlamaanku Waa inuu Degdeg isu Casilo ama La Eryo

Gudoomiyaha Baarlamaanku Waa inuu Degdeg isu Casilo ama La Eryo

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro ayaa maanta Maxkamada Sare ku caddaysay in ay sharci darro qaranka ka galeen isaga iyo garabkii xaaraanta ahaa ee uu watay oo ku kacay fal sharci darro ah oo halis aad u weyn galiyay xasiloonidii qaranka Somaliland, khalkhal siyaasadeedna ka riday dalka ka dib markii ay sheegeen inay xilka ka qaadeen gudoomiyihii sharciga ahaa Mudane Faysal Cali Waraabe. Cabdiraxmaan Cirro si cad ayay maxkamada horteeda loogu caddeeyay inuu sharci darro ku kacay.

Cabdiraxmaan Cirro oo ah gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo loo dhaariyay ilaalinta iyo ku dhaqanka sharciyada iyo dastuurka qaranka u yaal ayaa waxa uu baal maray dhaartii lagu dhaariyay, waxaana uu burburiyay sharcigii qaranka ee ilaalintiisa uu masuulka ka ahaa.
Hadaba waxaa waajib ku ah in Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland uu iska casilo xilka uu qaranka u hayo, maadaama ay Maanta Maxkamad horteed kaga cadaatay inuu yahay sharci jabiye fidno culus dalka ka riday khakhalna galiyay nabadgelyidii qaranka, sumcad darrana usoo jiiday dimuqraadiyadii ka hano qaaday Somaliland isaga oo ku kacay fal sharci darro ah oo gudoomiye Xisbi Qaran oo la doortay uu sheegtay inuu xilkii ka qaaday.

Gudoomiyaha Baarlamaanku waxa uu lumiyay kalsoonidii ay bulshada Somaliland ku qabtay Baarlamaanka gaar ahaan gudoomiyahiisa oo laga filayay inuu sharciga ilaaliyo, laakiin nasiib darro uu isagii ku tuntay.

Hadii uu Gudoomiyaha Baarlamaanku is casili waayo waxaa ku waajiba xubnaha baarlamaanku inay kalsoonida kala noqdaan oo ay doortaan Gudoomiye cusub si ay sumcadooda u ilaashadaan.

Yuusuf Saalax


No comments: